Taageere kooxda Al-Ittihad ah ayaa caradiisa xakameyn waayay ka dib markii ay kooxdiisa guuldarro ka soo gaartay finalka Saudi Super Cup isagoo karbaash la dhacay mid ka mid ah ciyaartoyda kooxdiisa.
Kooxda ka dhisan horyaalka Sacuudiga oo xagaagii la soo wareegtay xiddigii hore ee Real Madrid Karim Benzema ayaa la ciyaareysay kooxda ay xafiiltamaan ee Al-Hilal. Si kastaba, Benzema iyo asxaabtiisa gacmo marnaan ayay garoonka uga baxeen ka dib guuldarro 4-1 ah oo loo saariyay ciyaartii finalka.
Weeraryahanka Abderrazak Hamdallah ayaa guuldarro ka dib karbaash kala kulmay taageere careysan.
Inkastoo uu dhaliyay goolka barbaraha daqiiqadii 21aad, weeraryahanka ka garab ciyaarayay Benzema ayaa weerar kala kulmay taageere ku qeylinayay iyadoo weeraryahanka uu damcay inuu biyo ku shubo markii uu garoonka ka sii baxayay.
Taageeraha ayaase jawaab celin xun ka bixiyay isagoo la soo baxay karbaash islamarkaana ku garaacay xiddiga Al-Ittihad u xirta maaliyada No.99, waxaa durbadiiba ka soo gaaray asxaabtiisa oo ka soo fogeysay karbaashka.
Taageere kale ayaa ku guuleystay inuu karbaashka ka qaado taageerihii wax tumay iyadoo ciyaartoyda Al-Ittihad ay garoonka ka baxeen iyagoo ka naxsan dhacdada sida ay sheegtay Daily Record.
Daawo Muuqaalka:
⚠️ INCREÍBLE esto que pasó en Arabia.
Un hincha estaba insultando a Hamdallah, delantero del Al-Ittihad de Gallardo, y el futbolista fue a tirarle agua.
Ante esto el hincha, DESDE LA TRIBUNA, LE EMPEZÓ A PEGAR LATIGAZOS AL JUGADOR.
INSÓLITO. 😳🇸🇦pic.twitter.com/2aF7bK2Bj4
— Sudanalytics (@sudanalytics_) April 11, 2024