Xiddiga reer England ee Jude Bellingham ayaa doortay ciyaartoyga uu ku daydo oo layaab kugu noqon doona adigaagan akhrisanaya marka aad aragto magaciisa, waana laacib wali kusii jira garoomada oo aan tiirinin kabaha kubadda cagta.
Jude Bellingham oo Salaasadii xulkiisa England u dhaliyey goolka barbarraha waqtigii dhimashada kulan ay 2-2 ku kala baxeen Belgium oo ay ku wada ciyaareen garoonka Wembley, ayaa jira qaab ciyaareed aad u fiican xilli ciyaareedkan.
20 jirkaan wuxuu dhaliyay 20 gool isagoo caawiye ka noqday sagaal kale tan iyo markii uu Real Madrid ku biiray xagaagii, halka uu sidoo kale laf dhabar u yahay xulka England oo rajo ka qabta koobkoodii ugu horeysay ee muddo 58 sannadood ah.
Dabcan waa cadaadis xoogan oo dul saaran xiddigaan da’ yar, iyadoo Bellingham uu ku amaanay Jordan Henderson inuu yahay xiddiga kubada cagta ee uu tusaalaha ka dhigto, isagoo sheegay inuu ka caawiyay inuu xambaaro culeyska ay leedahay filashada laga qabo isaga.
Waxa uu yiri: “Wax badan ayaan la hadlaa Jordan Henderson.
“Waxa uu ii sheegaa inaan nasiib ku leeyahay inaan u ciyaaro kooxdaan England. Waxa uu ii yahay xiddig aan ku daydo sidaasi darteed wax badan ayaan dhageystaa taladiisa.
“Markii aan ku biiray xulka England, wuxuu iga caawiyay inaan koontaroolo filashada ay dadku iga qabeen.”