Liverpool ayaa jug wayn kala kulantay suuqa kala iibsiga ciyaartoyda kadib markii laga soo diiday dalab 80 milyan oo euro ah oo ay ka gudbiyeen xiddig bedel u noqon lahaa Mohamed Salah.
Hubanti la’aan badan ayaa markii ugu horeysay waqti dheer ku hareereysan Liverpool tan iyo markii uu Jurgen Klopp ku dhawaaqay inuu kooxda ka tagayo dhamaadka xilli ciyaareedkan.
Liverpool ayaa sidoo kale dharbaaxo xoogan kala kulantay raadinta bedelka Klopp ka dib markii Xabi Alonso uu shaaciyay inuu sii joogayo Bayer Leverkusen.
Waxaa sidoo kale jira hubanti la’aan badan oo ku hareeraysan qaar ka mid ah ciyaartoyda muhiimka ah ee Liverpool, iyadoo qandaraasyada Salah, Trent Alexander-Arnold, iyo Virgil Van Dijk ay dhamaantood dhacayaan 2025ka.
Salah ayaa lala xiriirinayay inuu ka tagayo Liverpool in muddo ah iyadoo Reds ay xagaagii diiday dalab uga yimid Sacuudiga, laakiin bixitaanka Jurgen Klopp ayaa sii xoojiyay wararka xanta ah ee ku saabsan in xiddiga Masar uu baxayo xagaagan.
Liverpool ayaa durba raadineysa bedelka mudada dheer ee 31 jirkaan, sida laga soo xigtay jariirada Isbaanishka ee Mundo Deportivo waxay bedelkiisa u calaamadeysteen laacibka Real Madrid Rodrygo.
Wararka ayaa sheegaya in Liverpool ay xitaa dalabyo ka gudbisay xiddiga reer Brazil iyada oo dalabkoodii ugu danbeeyay ee Rodrygo uu gaaray 80 milyan oo euro. Si kastaba ha ahaatee, waxaa dalabkaan soo diiday Los Blancos.
Real Madrid ayay laacibkeeda ku dooneysa lacagt intaas ka badan, waxaa warbixinta wargeyska lagu sheegay in qiimaha ay dalbaneyso Los Blancos inuu u dhaxeeyo 100 ilaa 120 milyan euro.
23 jirka Rodrygo ayaa wacdarro dhigaya xilli ciyaareedkan isagoo sideed gool iyo shan caawin ka sameeyay horyaalka La Liga, halka shan gool iyo caawin uu ka sameeyay Champions League xilli ciyaareedkan.