Tababaraha Manchester United ee Erik ten Hag ayaa hal beddel ku sameeyey safkii uu guusha kaga soo gaadhay Nottingham Forest, waxaana uu kusoo bilaabay Rasmus Hojlund oo beddelay Antony oo kaydka loo diray.
Casemiro iyo Lisandro Martinez oo kasoo laabtay dhaawacyo ayaa kursiga kaydka kusoo bilowday, waxaase khadka dhexe kusoo bilowday Christian Eriksen oo kasoo kabtay xanuun uu u jiifay toddobaadkii hore.
Tottenham waxa durba fursaddiisii koowaad helay weeraryahanka reer Germany ee Timo Werner oo ay Spurs lasoo wareegtay toddobaadkan, waxaana sidoo kale dib ugu soo laabtay safka kooxda Van de Ven iyo Cristian Romero oo kasoo kacay dhaawacyo.
Saxeexa cusub ee Radu Dragusin ayaa sidoo kale lagu soo daray liiska kooxda oo kaydka la geliyey, waxaana laga doorb iday Micky van de Ven oo tan iyo horraanta bishii November u jiifay dhaawac.
Shaxaha rasmiga ah ee labada kooxood
Man United XI: Onana, Wan-Bissaka, Varane, Evans, Dalot, Eriksen, Mainoo, Garnacho, Bruno Fernandes, Rashford, Hojlund.
Kaydka: Bayindir, Martinez, Casemiro, Antony, Heaton, Pellistri, McTominay, Kambwala, Forson.
Tottenham XI: Vicario, Porro, Skipp, Romero, Udogie, van de Ven, Bentancur, Hojbjerg, Johnson, Richarlison, Werner.
Kaydka: Dragusin, Gil Salvatierra, Emerson, Forster, Austin, Alonso, Donley, Dorrington.