Tobanka ciyaartoy ee ugu wanaagsan horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League ee xilli-ciyaareedakn ayaa la magacaabay, waxaana laga reebay ciyaartooyo bandhig fiican ka samaynaya garoomada sida Declan Rice, Kevin De Bruyne iyo Virgil van Dijk.
Saddexdan ciyaartoy oo ah hoggaamiyeyaasha Arsenal, Manchester City iyo Liverpool ayaa waxa si lama filaan ah looga waayey liiska tobanka ciyaartoy ee ugu wanaagsan oo uu soo xulay halyeygii Premier League ee Gabby Agbonlahor, iyadoo uu liiska ka mid noqday Jarrod Bowen.
Gabby Agbonlahor oo ka hadlayey ciyaartoyda ugu fiican ayaa yidhi: “Jarrod Bowen waxa uu ku jiraa ciyaartoyda ugu fiican Premier League, wacxaanu dhaliyey 15 gool isaga oo aan weeraryahan buuxa ahayn.”
Waxa kale oo uu Gabby Agbonlahor soo xushay Erling Haaland oo inkasta oo uus heegay inuu lumiyey fursado badan, isla markaana hoos uga soo dhacay heerkiisii xilli-ciyaareedkii hore, uu haddana yahay weeraryahan wanaagsan.
Difaaca dhexe ee Arsenal iyo goolhayaha Aston Villa ee Emi Martinez ayaa iyagana uu kusoo darsaday tobanka ciyaartoy ee ugu wanaagsan, halka khadka dhexe ee Manchester City ee Rodri uu booska uga saaray Declan Rice.
Xiddiga reer England ee Bukayo Saka ayaa uu isagana kusoo daray liiskiisa, halka Ollie Watkins oo weerarka uga dheela Aston Villa isla markaana dhaliyey 19 gool iyo 12 kale oo uu caawiye ka noqday isaga oo aan saxeexin wax rikoodhe ah dhamaystiray.
Liiska ayaa waxa sidoo kale kusoo baxay Cole Palmer, Cole Palmer iyo Phil Foden.