Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa laga afduubtay saxeex ay sugaysay oo ay u dhoweyd inay gacanta ku dhigto, waxaana si lama filaan ah uga hor-qaadday kooxda horyaalka Premier League ee Manchester City.
Real Madrid ayaa sugaysa xiddigo waaweyn marka uu dhamaado xilli-ciyaareedkan socda, waxaana xiddigaha heshiiskoodu uu dhamaadka yahay hormood u ah Kylian Mbappe, halka Alphonso Davies uu ku riixayo kooxdiisa inay ka iibiyaan Real Madrid.
Florentino Perez oo heshiis laba sannadood ah ka saxeexay tababare Carlo Ancelotti ayaa qorshihiisu uu yahay inuu Santiago Bernabeu kusoo ururiyo ciyaartooyo waaweyn, gaar ahaan afka hore oo ah halka ay ka dhibaatoonayaan oo ay Kylian Mbappe iyo Endrick iman doonaan.
Los Blancos ayaa waxa kale oo ay doonaysay inay gacanta ku dhigto Cavan Sullivan oo ah 14 jir ay qarka u saarnaayeen oo uu qorshuhu ahaa in uu dhawr sannadood ku qaato kulliyadda da’yarta, kaddibna loosoo dallacsiiyo kooxda koowaad.
Manchester City ayaa ka afduubatay Real Madrid Cavan Sullivan oo hadda qarka u saaran dhamaystirka heshiiska uu qaybta kaga noqonayo kooxda tababare Pep Guardiola.