Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa ugu dambayn ogolaatay in saacadaha soo socda uu kaga tago weeraryahankii ay ugu talo-gashay inuu noqday xiddigooda mustaqbalka, kaddib markii ay ka waayeen wixii ay ka filayeen.
Chelsea ayaa hoos u dhigtay lacagtii ay ku xidhay weeraryahankeeda Aramdo Broja, waxaana uu laacibkani tijaabada caafimaadka ku marayaa garoonka Craven Cottage, halkaas oo uu kaga birii doono Fulham.
Tababare Marco Silva ayaa dabada ka riixayay in kooxdiisu aanay ka fadhiisanin saxeexa Broja si uu ugu xoojiyo afkiisa hore, waxaana ugu dambayntii ay ku guuleysteen in ay gacanta ku dhigaan weeraryahanka reer Albania.
Blues ayaa hore u dalbanaysay in la siiyo £5 milyan oo Gini oo lacagta amaahda ah, hase yeeshee waxay hoos ugu soo degtay £4 milyan oo Gini, laakiin lama sheegin in Fulham loo ogolaanayo inay si rasmi ah ula wareegto laacibkan oo qiimihiisa lagu sheegay £35 milyan oo Gini balse ay Chelsea dalbanayso £50 milyan oo Gini.
Xilli-ciyaareedkan socda, Broja ayaa Chelsea u saftay 13 ciyaarood oo uu lix ka mid ah kusoo bilowday, waxaanu u dhaliyey hal gool oo kaliya.