Horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League ayaa waji kale yeeshay toddobaadkan, waxaana kaalinta labaad soo gashay Manchester City oo laba dhibcood oo kaliya usoo jirsatay Liverpool, kaddib markii ay Sabtidii 3-2 ku garaaceen Newcastle United.
Oscar Bobb ayaa noqday geesiga Manchester City waxaana uu waqtigii dheeraadka ahaa dhaliyey goolka guusha ee kooxdiisa isaga oo beddel kusoo galay, laakiin Kevin De Bruyne ayaa isaguna gool dhaliyey mid kalena caawiyey isaga oo waliba qaybta labaad beddel ku yimid.
Liverpool oo 21ka January la ciyaari doonta Bournemouth ayaa wali hoggaanka sii haysata, waxayse dhibaato haysataa Arsenal oo u dhacday kaalinta afraad oo laba dhibcood ka dambaysa kooxda booska saddexaad fadhida.
Jurgen Klopp iyo Mikel Arteta ayaa hadda ay indhuhu hayaan, sababtoo ah Bournemouth markii ugu dambaysay ee Liverpool ay iska hor yimaaddaan ee ay waliba ku booqdaan Xeebta Koonfurta, waxa laf dhuun-gashay ku noqday Andoni Iraola, iyadoo Liverpool ay 22 dhibcood oo kaliya kasoo heshay 10 ciyaarood oo ay booqatay Bournemouth, kuwaas oo ahaa toddoba guulood iyo hal barbarro ah.
Aston Villa ayaa iyaduna galabta waxa ay Goodison Park marti ugu tahay Everton, halka Arsenal ay iska hor imanayaan kooxda ay isku magaalada yihiin ee Crystal Palace.
Tottenham ayaa heli doonta fursad ay kaalinta afraad kula wareegto haddii ay maanta ka badiyaan Manchester United, laakiin Arsenal ayaa kulankeeda usbuuca dheelaysa 20ka January oo dib u cidhiidhsan karta booskeeda.
Halkan kaga bogo min lixda ciyaarood ee Premier League ee kusoo aaddan shanta kooxood ee ugu sarreeya horyaalka Premier League
Liverpool – Kaalinta 1aad – 45 dhibcood
Bournemouth (Marti) – Axad, January 21
Chelsea (Minan) – Arbaca, January 31
Arsenal (Marti) – Axad, February 4
Burnley (Minan) – Sabti, February 10
Brentford (Marti) – Sabti, February 17
Luton (Minan) – Sabti, February 24.
Manchester City – Kaalinta 2aad – 43 dhibcood
Burnley (Minan) – Arbaca, January 31
Brentford (Marti) – Isniin, February 5
Everton (Minan) – Sabti, February 10
Chelsea (Minan) – Sabti, February 17
Brentford (Minan) – Salaasa February 20
Manchester United (H), Sabti, March 2.
Aston Villa – Kaalinta 3aad – 42 dhibcood
Everton (Marti) – Axad, January 14
Newcastle United (Minan) – Salaasa, January 30
Sheffield United (Marti) – Sabti, February 3
Manchester United (Minan) – Axad, February 11
Fulham (Marti) – Sabti, February 17
Nottingham Forest (Minan) – Sabti, February 24
Arsenal – Kaalinta 4aad – 40 dhibcood
Crystal Palace (Minan) – Sabti, January 20
Nottingham Forest (Marti) – Salaasa, January 30
Liverpool (Minan) – Axad, February 4
West Ham (Marti) – Axad, February 11
Burnley (Marti) – Sabti, February 17
Newcastle United (Minan) – Sabti, February 24
Tottenham Hotspur – Kaalinta 5aad – 39 dhibcood
Manchester United (Marti) – Axad, January 14
Brentford (Minan) – Arbaca, January 31
Everton (Marti) – Sabti, February 3
Brighton (Minan) – Sabti, February 10
Wolves (Minan) – Sabti, February 17
Chelsea (Marti) – Jimce, February 23