Taageere da’ yar oo Chelsea ah ayaa fariin la yaab leh u diray ciyaartoyda Chelsea isagoo fariintiisa ku soo qoray boodh uu sitay una sheegay ciyaartoyda inuusan u baahneyn maaliyadooda kulankii ay Chelsea guuldarada ceebta aheyd ka soo gaartay Arsenal.
Kooxda hogaamineysa Premier League ayaa cagta dul marisay Chelsea ka dib min labo gool ay u kala dhaliyeen Kai Havertz iyo Ben White halka Leandro Trossard uu dhaliyay goolka shanaad.
Intii ay socotay ciyaarta, ilmaha yar ayaa kor u taagay boodh uu sitay, waxaa boodhka ku qornaa: “Ma doonayo maaliyadiina! Waxaan doonayaa inaad u dagaalantaan mideena. UTC (Up the Chelsea) – kor ha ahaato Chelsea.”
Kabtanka Chelsea Conor Gallagher ayaa la weydiiyay boodhka ilmaha yar uu soo bandhigay ciyaarta ka dib.
Wuxuu ka jawaabayay su’aal aheyd in fariinta wiilka yar ay soo jeedineyso in ciyaartoyda Chelsea aysan kala jecleyn guusha iyo guuldarada oo aysan kooxda sumcadeeda ilaalinin.
Gallagher ayaa yiri: “Dabcan waa hubanti inaan dadaalkeena oo dhan ku bixineyno kooxda.
“Waan ogahay micnaha weyn ay ciyaartoyda u leedahay kooxdaan, waan ogahay in wax badan la sheegay, kooxdaan waa mid aad u da’ yar, ma lihin khibrad badan oo Premier League looga baahan yahay.
“Wax badan oo sarre u kac iyo hoos u dhac ahba waan wajahnay, weli horumar ayaan sameyneynaa, waxaana u wada shaqeyneynaa koox ahaan si aan u gaarno heerka xiga.
“Maanta waxay ka mid aheyd maalmaha aan aadka u liidanay.
“Waxaan u baahanahay inaan boorka iska jafno oo aan dib u eegno qaab ciyaareedkeena iyo sida aan ku sixi karno qaladaadkeena.”