Ian Wright ayaa tilmaamay booska daafaca ee ay xulka England ka liidato ee sababti kara inay ku fashilmaan koobka Qaramada Yurub ee xagaagan ka dhacaya dalka Jarmalka.
Tababaraha xulka Ingariiska Gareth Southgate ayaa magacaabay ciyaartoyda hordhaca ah ee xulka England oo ka kooban 33 ciyaartooy, kuwaasoo ugu danbeyn noqon doona 26 ciyaartooy oo ka qeyb galaya Euro 2024.
Laakiin England ma heysato ciyaartooy badan oo buuxiya boosaska qaar ee daafaca taasoo walwal weyn ku ah ka hor Euro 2024.
Halyeeyga Arsenal iyo England Ian Wrigh ayaa u sheegay The Sun: “Sida iska cad daafaceena ayaa u baahan in xal loo helo”
Ciyaartoyda daafaca ee loo soo yeertay sida Harry Maguire, John Stones, Luke Shaw iyo Kieran Trippier waa kuma dhamaantood dhaawac la dhibtoonayay dhawaanahaan, iyadoo labo ka mid ah daafacyada dhexe aysan wax kubad ah dheelin tan iyo bishii April.
Gareth Southgate ayaa sidoo kale sheegay inuusan rajo weyn ka qabin inuu Luke Shaw taam u noqon doono koobka Euro 2024 inkastoo uu ku soo darsaday liiska ciyaartoyda uu u soo yeertay.
Waxay taasi la micno tahay in Trippier uu ka dheeli doono booska daafaca bidix iyadoo Joe Gomez uu u fadhin doono, iyadoo labada ciyaaryahan ay cagta midig ku dheelaan islamarkaana ay jecel yihiin inay ka ciyaaraan booska daafaca midig.
Waana booska daafaca bidix halka uu tilmaamay Ian Wright inay England u liidato taasoo sababi karta inay ku fashilmaan koobka Qaramada Yurub.