Madaxda garsoorayaasha Premeir League Howard Webb ayaa sharaxaad ka bixiyay sababtii aan Liverpool rigoore loogu dhigin kulankii muhiimk ahaa ee Premier League ee ay barbaraha la galeen Manchester City.
Reds ayaa rigoore ku barbareysay Man City markii Jeremy Doku uu cagtiisa xabadka ka geliyay Alexis Mac Allister oo xerada ganaaxa ku jiray. Garsoore Michael Oliver iyo VAR ayaa isku raacay inay ciyaarta socoto oo aysan rigoore aheyn.
Webb a ayaa sharaxaad ku bixiyay: Waa mid ka mid ah go’aanada haddii garsooraha uu rigoore dhigi lahaa ay VAR islamarkiiba ku raaci laheyd.
“Si la mid ahna haddii uu diido rigoorada ay VAR sidoo kale ku raaci laheyd. Waxaa maqleysaa Michael Oliver oo dhahaya kubada waxay u dhaxeysaa labada ciyaaryahan oo isku tagay. Kubada waxay aheyd mid hooseysa oo aan la madaxeyn karin. Doku cagtiisa ayuu kor u qaaday si uu kubada u ciyaaro, wuuna taabtay kubada.
“Waa sax inuu sidoo kale taabtay Mac Allister. Laakiin Mac Allister isagoo u yimid. Mac Allister isaguba ma uusan ciyaareynin kubada. Sidaasi darteed waan fahmi karaa sababta ay u aheyd go’aan lagu kala aragti duwan yahay.
“Waxaan qabaa in VAR ay ku raaci laheyd garsooraha go’aan walba uu qaato. Ma dooneyno in xaaladaha aan kala cadeyn aan ciyaarta dib u garsoorno, waana waxa ay tahay inay VAR sameyso marka ay taas dhacdo. VAR waa inay banaanka joogto xaaladaha aan kala cadeyn.”