Tababaraha halyeeyga ee Manchester United Sir Alex Ferguson ayaa si lama filaan ah taageere weyn ugu noqday kooxda Jarmalka ee Eintracht Frankfurt.
Ferguson oo 82 sanno jir ah ayaa ciyaaraha ka fariistay 2013ki ka dib 39 sannadood uu tababare ka ahaa kubada cagta. Tababaraha reer Scotland wuxuu soo qabtay kooxaha St Mirren, Aberdeen iyo United, isagoo ku guuleystay 13 koob oo Premier League ah iyo labo Champions League.
Laakiin inkastoo uu Red Devils ahaa ku dhawaad 30 sannadood ah, waxa uu haatan taageere weyn u noqday kooxda Jarmalka ee Frankfurt. Wakiilo ka tirsan kooxda Jarmalka ayaa u duulay UK kulankii ay wareega group-yad ala ciyaarayeen Abderdeen bishii December.
Waxay la kulmeen Sir Alex oo ay siiyeen iskaarfada kooxda iyo maaliyada ay dusha danbe uga qoran tahay magaciisa iyagoo ka dhigay xubin sharafeed kooxda ka tirsan. Laakiin xiriirka uu la leeyahay kooxda ma ahan mid hadda uun abuurmay.
Ferguson waxa uu garanayay Frankfurt tan iyo 1960kii markaasoo uu daawaday kooxdiisa Rangers oo guuldarro ay ka soo gaartay Frankfurt semi-finalkii European Cup. Isagoo 17 jir ah ayuu daawaday kooxdiisa oo 6-1 lagu xasuuqayo.
Waxa uu sidoo kale xaadiray finalkii sannadkaas isagoo taageerayaya Frankfurt sida ay European Cup uga qaado Real Madrid laakiin kooxda Isbaanishka ayaa markii shanaad oo isku xigta ku guuleysatay koobka. Ferguson ayaa sidoo kale kulankiisii ugu horeysay ee uu ciyaaro waxa uu ka horyimid Frankfurt isagoo u dheelayay Rangers wuxuuna ka dhaliyay seddexleey 1967kii.
Tababaraha halyeeyga ah ayaana isha ku hayay Franfurt waayihiisa ciyaareed oo dhan inkastoo uusan wajihin intii uu tababare ka ahaa Man United.
Waxa uu sidoo kale u rajeeyay inay mar uun ku guuleystaan horyaalka Bundesliga oo ay ka qaadaan Bayern Munich.