Tababaraha kooxda Paris Saint-Germain ee Luis Enrique ayaa shaki geliyey heshiiska la sheegay inay wada gaadheen Real Madrid iyo Kylian Mbappe ee tan iyo horraanta bishii February la sheegayey inuu dhamaystiran yahay.
Xiddiga reer France ayaa la sheegay in uu bishii February go’aan ku gaadhay inuu ka tago Paris Saint-Germain, isla markaana go’aankiisa ku wargeliyey maamulka kooxdaas.
Wargeyska The Athletic ayaa qoray in laacibkani uu heshiis la gaadhay Real Madrid oo intii ugu dambaysay ee ay isku hayeen oo ahaa xuquuqda sawirkana ay dhowaan isla meel-dhigeen.
Sidaas oo ay tahay, tababare Luis Enrique oo warbaahinta la hadlay ka hor ciyaarta Marseille ee Axadda ayaa bixiyey qish ah inay suurtoal tahay in uu beddelo go’aankiisa oo uu sii joogo kooxdiisa PSG, waxaanu yidhi: “Anigu wali waxa aan rajaynayaa in Kylian uu beddeli doono maskaxdiisa. Wali waxba ma aanu shaacin, walina wuu beddeli karayaa go’aankiisa.
“Aynu qiyaasno in aanu afar koob ku guuleysano xilli-ciyaareedka iyo in Kylian uu beddelo dookhiisa oo uu go’aansado in Paris ay tahay meeshiisa. Maxaa diidaya in sidaasi dhacdo?”
Inkasta oo Luis Enrique uu isku dayayey in uu sheego inay suurtogal tahay inuu sii joogo PSG, haddana hadallada uu adeegsaday ee ah in uu ‘beddeli karayo go’aankiisa’ ayaa caddaysay in laacibkani uu mar horeba go’aan ku gaadhay inuu iskaga tago kooxda reer France.