Manchester United ayaa xajisan kari weyday guul gacanteeda gashay waqtigii dheeraadka ahaa kulan ay isku rafaadeen Brentford oo ay ku lumiyeen laba dhibcood, kaas oo sabab u noqday in Manchester United ay 11 dhibcood oo nadiif ah ka dambayso kaalinta afraad oo ay ku jirto Aston Villa.
Laba gool oo ay u dhexceeyeen laba daqiiqadood oo waqtigii dheeraadka ahaa ee lagu daray ciyaarta ayaa sabab u noqday in Brentford iyo Manchester United ay dhibcaha ku qaybsadaan garoonka Gtech Community Stadium.
Ciyaartan oo ay gacan ku haynteeda iyo fursadaha badanba lahayd kooxda garoonkeeda joogtay ee Brentford, ayaa waxa saamayn ku yeeshay go’aamo garsoore iyo fursado badan oo ay labada kooxood iska lumiyeen.
Brentford ayaa dhawr fursadood oo dahabi ahaa heshay qaybta hore, waxaana haddii ay ka faa’iidaysan lahayd ay si fudud ku dili lahayd xiddigaha lacagta badan laga soo bixiyey ee Man United.
Ivan Toney iyo Wissa ayaa uu nasiibku diiday dhawr jeer, waxaana la dagaallamay goolhaye Andre Onana oo sababtiisa ay Manchester United ku heshay dhibicda ay caawa la hoyatay.
Kubbad uu Wissa ka helay goolka hortiisa ayaa waxa laba jeer badbaadiyey goolhaye Onana, sidoo kalena Ajer oo ahaa libaax goolka dhaliyey ayaa dhawr fursadood oo dahabi ahaa lumiyey.
Brentford ayaa qabatay hoggaanka ciyaarta daqiiqaddii 73aad markaas oo uu gool qurux badan dhaliyey Ivan Toney, hase yeeshee VAR oo laga soo hubiyey ayaa waxa ay sheegtay in uu sax ahaa go’aanka uu qaatay garsooraha oo offside ku tilmaamay goolkan maadaama uu laacibka reer France tallaabooyin ka horreeyey Lisandro Martinez.
Bryan Mbeumo ayaa darbad xooggan oo uu ku toogtay goolka oo tallaabooyin u jiray, waxa ay kubaddu kaga dhacday birta oo dusha sare ah, kaddibna waxa ay ugu soo noqotay xerada ganaaxa, waxaana iska saaray difaaca.
Harry Maguire oo beddel kusoo galay ciayarta waqtigii nasashada ayaa dedaal badan bixiyey oo joojiyey kubbado badan, waxaana inkasta oo uu kasoo kacay dhaawac kasoo gaadhay ciyaarihii caalamiga ahaa uu haddana muujiyey in Erik ten Hag uu ku qaldan yahay in aanu siinin boos joogto ah.
Manchester United ayaa ka nixisay Brentford daqiiqaddii 90+6 markaad oo uu gool u dhaliyey Mason Mount oo saxeexay goolkiisii koowaad ee uu u dhaliyo Red Devils, laakiin goolkaasi masii waarin, waxaana ay Brentford keentay goolka barbarraha daqiiqaddii 90+9, iyadoo ciyaartuna kusoo dhamaatay 1-1.
Intii ay ciyaartu socotay, Brentford waxa ay birta garaacday saddex jeer oo kubbadaha oo ay dhaafiyeen goolhayaha iska diidday inay shabaqa gasho.
Natiijadan ayaa ka dhigan in Manchester United ay haysato 48 dhibcood, waxaanay 11 dhibcood ka dambaysaa Aston Villa oo kaalinta afraad kaga jirta horyaalka oo haysata 59 dhibcood.