Difaaca reer England ee Harry Maguire ayaa dhaawac kaga maqnaan doona ciyaarta finalka FA Cup ee Satida ay wada ciyaarayaan kooxdiisa Manchester United iyo Manchester City, waxaana sidoo kale uu tartan la geli doonaa waqtiga si uu taam ugu noqdo ciyaaraha qaramada Yurub ee Euro 2024 ee bisha dambe ka furmaya waddanka Germany.
Tababare Erik ten Hag ayaa xaqiijiyey, in Harry Maguire uu wali dhaawac yahay oo uu ka maqnaan doono finalka FA Cup ee ay garoonka Wembley kula dheeli doonaan Manchester City.
Shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay magaalada London ayuu Erik ten Hag ku yidhi: “Harry Maguire taam ma aha, laakiin inta kale ee Mason Mount, Victor Lindelof iyo Anthony Martial waa diyaar.”
Maguire ayaa garoomada ka maqnaa tan iyo bishii April oo uu soo gaadhay dhaawac muruqa ah, laakiin waxa la filayey inuu dib ugu soo noqonayo kooxdiisa oo uu u dheeli doono finalka FA Cup.
Warbaahinta waddanka Ingiriiska ayaa sheegaysa in Harry Maguire uu sidoo kale halis ugu jiro inuu ka maqnaado tartanka qaramada Yurub ee Euro 2023 ay saddex usbuuc ka hadhsan yihiin waqtiga uu bilaabmayo.
Tababare Gareth Southgate ayaa Maguire kusoo daray liiska hordhaca ah ee xulka England oo ka koobnaa 33 ciyaartoy, waxaana uu la tashan doonaa dhakhaatiirta oo dersi doona xaaladda Maguire ka hor inta aan la gaadhin waqtiga liiska xulka England lagu soo koobayo 26ka ciyaartoy.