Rasmus Hojlund ayaa ugu danbeyn ka hadlay wararka sheegaya in ciyaartoyda Manchester United aysan kubada u baasin isaga.
Xagaagii la soo dhaafay, 21 jirka Hojlund ayaa ka tagay kooxda horyaalka Serie A ka dhisan ee Atalanta isagoo Man United ugu wareegay hishiis ku kacay 72 milyan ginni.
Tan iyo markaas xiddiga reer Denmark wuxuu dhaliyay 16 gool tartamada oo dhan.
Dhawaan, waxaa jiray warbixin ay daabacday jariirada Manchester Evening News oo sheegtay in xiddigaha Man United ay ka caga jiidaan inay kubada u baasaan Hojlund madaama aysan kalsooni ku qabin awoodiisa ciyaareed.
Warbixinta wargeyska ayaa lagu yiri: “Xubin ka tirsan ciyaartoyda Man United ayaa inoo sheegay in qaar ka mid ah ciyaartoyda ay raadiyaan ciyaaryahan kale oo ay kubada u baasaan marka ay weerar yihiin madaama uu Hojlund wajahayo abaar dhanka goolasha ah.
“Ciyaartoyda Man United qaarkood ayaa shaki ka qaba awooda ciyaareed ee Hojlund.”
Weeraryahanka Man United Hojlund oo u hadlayay Tipsbladet ayaa haatan ka hadlay wararkaas isagoo yiri:
“Ma aanan fahmin sababta warbixintaas loo daabacay. Waxaan dareemayaa inaan kubada helo marka aan taaganahay booska saxda ah.
“Mararka qaar way jirtay aan jeclaa inaan kubada helo wax ka badan intii aan helayay, laakiin mar walba taasi ma suurtogeli karto. Waa tusaale kale oo ku saabsan wax ay tahay inaan beeniyo sababtoo ah waxay abuureysaa buuq badan.”
Hojlund ayaa hadalkiisa raaciyay: “Waa inaad kala shaandheyso wararka, sababtoo ah boqolkiiiba 90 ilaa 95 waa been abuur. Waxaan bartay sida loo kala sooco, ma jirto wax kale oo aan sameyn karo oo aan aheyn inaan biyo qabow ku shubo.”