Kooxda kubadda cagta Lecce ee horyaalka waddanka Talyaaniga ee Serie A ayaa shaqada ka caydhisay tababaraheeda Roberto D’Aversa kaddib markii uu hirdi madax ah (hidh) ku dhuftay xiddiga kooxda Hellas Verona ee Thomas Henry ciyaartii shalay ay kooxdiisu guul-darrada 1-0 ah la kulantay.
Roberto D’Aversa ayaaa kaadhka casaanka ah la siiyey markii uu ciyaarta madaxa ku dhuftay, waxaana kooxdiisu ay lumisay saddex dhibcood oo muhiim ahaa iyadoo garoonkeeda joogta.
Garsooraha dhexe ee ciyaarta ayaa markii uu casaanka siiyey Roberto D’Aversa, waxa garoonka ka bilowday buuq iyadoo ciyaartoyda labada kooxood iyo shaqaalaha tababarku ay isku dhaceen.
Thomas Henry ayaa ciyaarta ku dhamaystay isaga oo wajigiisa lagu daboolay faashad ama baandhayj, maadaama uu wajigu qarxay.
Lecce ayaa soo saartay war-saxaafadeeday shaqada kaga caydhisay tababaraheeda Roberto D’Aversa oo ay aliba si xun ugu canaanatay falka anshax-xumada ah ee uu sameeyey, kaas oo aan marnaba laga aqbali karayn garoomada iyo hab-nololeedka dadka caadiga ah.