Weeraryahanka Manchester City Erling Haaland ayaa tartan adag ugu jira inuu ku guuleysto kabta dahabka Premier League xilli ciyaareedkii labaad oo isku xigta isagoo haatan la wareegay hogaanka tartanka ka dib goolkii uu xalay ka dhaliyay Nottingham Forest.
Haaland oo labo gool ka dhaliyay dhaliyay tan iyo 3dii bishii Maarso ayaa xalay dhaliyay goolkiisii 21aad ee xilli ciyaareedka Premier League isagoo hal gool ka sareeya xiddiga kaalinta labaad ee Cole Palmer.
Xiddiga Chelsea ayaa leh 20 gool isagoo aan shabaqa soo taabanin todobaadkan inkastoo uu ciyaaray kulankii ay Blues barbaraha 2-2 la gashay Aston Villa.
Waxaa kaalinta seddexaad kuwada jira xiddiga Aston Villa Ollie Watkins oo aan todobaadkan shabaqa soo taabanin iyo laacibka Newcastle Isak oo labo gool dhaliyay kulankii ay Newcastle 5-1 ku xasuuqday Sheffield United, waxayna labada laacib leeyihiin min 19 gool.
Weeraryahanka Bournemouth Dominik Solanke ayaa ku jira kaalinta afaraad isagoo leh 18 gool halka xiddiga Liverpool Mohamed Salah oo todobaadkan 10 daqiiqo ciyaaray islamarkaana aan gool dhalinin uu leeyahay 17 gool.
Waxaa 16 gool wadaaga xiddiga Tottenham Son oo shabaqa ka soo taabtay Arsenal, xiddiga Man City Phil Foden iyo laacibkii goolka u dhaliyay West Ham ee Bowen kulankii Liverpool.
Bukayo Saka ayaa ah ciyaaryahanka 10aad ee liiskaan isagoo shalay dhaliyay goolkiisii 15aad ee xilli ciyaareedka Premier League.
TARTANKA GOOLDHALINTA PREMIER LEAGUE:
21 gool – Erling Haaland (Man City)
20 gool – Cole Palmer (Chelsea)
19 gool – Ollie Watkins (Aston Villa), Isak (Newcastle)
18 gool – Solanke (Bournemouth)
17 gool – Salah (Liverpool)
16 gool – Son (Tottenham), Foden (Man City), Bowen (West Ham)
15 gool – Bukayo Saka (Arsenal)