Harry Kane ayaa taariikh ka sameeyay Euro kadib goolkii barbaraha ee uu ka dhaliyay Netherlands.
Saddexda libaax ayaa gool looga hormay bilowgii ciyaarta ka dib markii Xavi Simons uu kubad ka soo tuuray meel fog uu daba mariyay goolhaye
Jordan Pickford kana dhaliyay cidhifka sare.l, laakiin Kane ayaa ku guuleystay inuu rigoore ku barbareeyo ciyaarta.
Waa goolkii lixaad ee Kane uu ka dhaliyo bug baxda tartanka Euro, waana in ka badan ciyaaryahan kasta ee taariikhda tartanka.
Waxa uu ka hormaray xiddiga reer France ee Antoine Griezmann kaas oo dhaliyay shan gool oo bug baxda ah.
Kane waa koobkiisii seddexaad ee Yurub laakiin wuxuu ku guuldareystay inuu gool dhaliyo markii ugu horeysay 2016.
Shan sano ka dib ayuu dib isku saxay, isagoo shabaqa ka soo taabtay Germany, labo jeer oo uu ka dhaliyay Ukraine, ka dibna Denmark.
30 jirkaan weerarka ka ciyaara ayaa ku guuldareystay inuu shabaqa soo taabto finalkii ay la ciyaareen Italy iyadoo England looga badiyay rigoorayaal garoonka Wembley.
Qaab ciyaareedkiisa xagaagan ee Germany waa la dhaleeceeyay, laakin Slovakia ayuu gool ka dhaliyay wareega 16-ka.
Kadib waxa uu dhaliyay goolkiisii lixaad ee bug-baxa wuxuuna ka dhaliyay Netherlands.