Xulka England ayaa cagta saartay finalka Euro2024.
Xulka Ingiriiska ayaa guul waqti dambe ah wuxuunka gaaray Netherlands, ciyaar qurux badaned oo ka dhacday garoonka Signal iduna Park ee magaalada Dortmund.
England ayaa ku badisay 2-1 iyadoo Finalka la ciyaari doonta Axada Xulka Spain.
Bilawgii ciyaarta Xavi Simons ayaa ku ciqaabay qalad uu sameeyay Declan Rice,kaaso kubad si cajiib leh u laaday kana dhaliyay Pickford.
Laakiin seddexda libaax ayaa ka jawaabay, sidii ay sameeyeen kulankii Switzerland ka hor, iyadoo Harry Kane rigoore lagu galay halkaasna ka dhaliyay goolka barbaraha.
Labads dhinac ayaa kadib sameeyay fursado badan, laakin qeybta hore waxaa lagu kala nastay barbaro 1-1.
Qeybta labaad sidoo kale labada xul ayaa ciyaaray weerar iyo weerar celis.
Dhamaadkii ciyaarta ee 90ka daqiiqo kubad uu dhanka midig ka keenay Cole Palmer oo bedek kusoo galay ayaa waxa xerada ganaaxa dhexdeeda ku helay Olie Watkins oo isagana bedel ku soo galay, halkaas ayuuna goosha guusha ku dhaliyay.
Olie Watkins ayaana la guddoonsiiyay ciyaaryahankii ciyaarta, iyadoo la og yahay in bandhig heerkiisu sareeyo ay sameeyeen Phil Foden, Bukayo Saka iyo Kobbie Mainoo.
Laakin gudiga farsamada ee Uefa ayaa Watkins ku tilmaamay inuu sameeyay saameyn weyn sidaasi ay ku siiyeen.
England waxay Axada Finalka Berlin kula ciyaaraysa Xulka Spain oo iyaga kasoo gudbay France.