Khabiirada Sky Sports Jamie Carragher iyo Gary Neville ayaa soo xushay kooxda sannadka ee Premier League.
Ka dib ciyaartii ay Liverpool iyo Aston Villa barbaraha 3-3 ku kala baxeen, xiddigii hore ee Liverpool Carragher iyo xiddigii hore ee Man United Gary Neville ayaa shaqo looga dhigay inay soo xushaan kooxda xilli ciyaareedka ee Premier League.
Kooxda Sannadka ee Jamie Carragher uu soo xushay:
Jordan Pickford; Virgil van Dijk, William Saliba, Gabriel Magalhaes; Rodri, Declan Rice; Cole Palmer, Kevin de Bruyne, Martin Odegaard, Phil Foden; Ollie Watkins.
Kooxda Sannadka ee Gary Neville uu soo xushay:
Emiliano Martinez; Ben White, William Saliba, Gabriel Magalhaes, Destiny Udogie; Martin Odegaard, Rodri, Declan Rice; Cole Palmer, Erling Haaland, Phil Foden.
Labada nin waxay isku raaceen todoba ciyaaryahan laakiin Carragher wuxuu doortay goolhaye Picford halka Neville uu doortay Martinez.
Dhanka daafaca Neville wuxuu garbaha daafaca u doortay Ben White iyo Udogie laakiin Carragher wuxuu xushay seddex daafac dhexe oo kala ah Van Dijk, Saliba iyo Gabriel.
Markii la weydiiyay sababta uu Van Dijk u soo xushay, Carragher ayaa ku jawaabay: “Seddex daafac danbe ayaa doortay. Uma maleynayo inaan arkay daafacyo garbo oo wacdarro dhigaya xilli ciyaareedkan.
“Xaqiiqdii waxaan aaminsanahay in Van Dijk la’aantiis in Liverpool ay boosaska Champions League loogu soo baxayo kula tartami laheyd Aston Villa iyo Tottenham.”