Wargeyska The Sun ayaa qoraya in Bruno Fernandes uu diyaar u yahay in kulanka finalka FA Cup uu noqdo kulankiisii ugu danbeeyay ee Manchester United.
Jariirada The Sun ayaa sheegtay inay fahamsan yihiin in kabtanka Red Devils uu ka fiirsanayo inuu xagaagan isaga tago kooxda ka dib afar xilli ciyaareed iyo bar uu joogay Old Trafford.
Fernandes ayaa ka yaabiyay United horaantii bishaan markii uu si maldahan u sheegay inuu kooxda ka tagi karo ka dib ciyaaraha Qaramada Yurub.
29 jirkaan kubad sameeyaha ah ayaa la sheegayaa inuu doonayo inuu waayihiisa ciyaareed ku sii wato meel ka baxsan Premier League oo cimilo diiran leh.
Waxaana durba jira kooxo saf u soo geliya oo ay ku jiraan kooxaha ka dhisan horyaalka Sacuudiga.
Fernandes ayaa seegay xusuuqii 4-0 ee ka soo gaartay Crystal Palace iyo sidoo kale kulankii Axada ee ay Arsenal 1-0 kaga badisay Shayaadiinta Cas Cas madaama uu dhaawac yahay.
Xiddiga khadka dhexe ayaa dagaal ugu jira inuu taam u noqdo kulanka Arabacada ee Newcastle United iyadoo kooxda Erik ten Hag oo kaalinta 8aad ku jirta ay dagaal ugu jirta u soo bixitaanka tartamada Yurub.
United waxay seddex dhibcood ka danbeeyaan Newcastle iyo Chelsea iyadoo labo kulan oo Premier League ay u hartay.
Red Devils waxay maalinta ugu danbeysa xilli ciyaareedka Premier League u safrayaan Brighton ka dib waxay Wembley kula ciyaarayaan 25ka bishaan May kooxda deriskooda ee Man City finalka FA Cup.