Xidhiidhka kubadda cagta Spain ayaa shaaciyey garsooraha dhaxdhaxaadin doona labada kooxood ee isku magaalada ah ee Real Madrid iyo Atletico Madrid kulankooda horyaalka LaLiga ee Axadda, kaas oo si weyn indhaha loogu hayo.
Ciyaartan oo ka dhici doonta garoonka Santiago Bernabeu, ayaa waxa loo doortay garsoore aan jixinjixa aqoonin oo ku adkaysta go’aamadiisa isla markaana aanay wax saamayn ah ku yeelanin buuqa ciyaartoydu.
Jose Maria Sanchez Martinez ayaa loo doortay inuu markiisii ugu horreysay qabto kulan ay Real Madrid iyo Atletico Madrid wada ciyaarayaan horyaalka LaLiga, laakiin waxa uu hore usoo qabtay finalkii Spanish Super Cup ee 2020 ee labadan kooxood oo ay rikoodheyaal ku adkaatay Real Madrid, iyadoo dhamaadkiina uu casaan toos ah ku saaray Valverde oo qalad ku galay Alvaro Morata oo kubbad kula baxay goolhaye Thibaut Courtois.
Isugeyn, Jose Maria Sanchez Martinez ayaa garsooray 27 ciyaarood oo ay Real Madrid dheeshay, kuwaas oo 18 ka mid ah ay guuleysatay, 3 laga badiyey, lix kalena ay barbarro galeen, waxaanay hadda noqon doontaa markiisii 28aad ee uu Jose Maria Sanchez Martinez qabto ciyaar ay dheelayso Real Madrid.
Waxa uu sidoo kale ahaa garsoorihii finalkii Copa del Rey ee xilli-ciyaareedkii hore ee ay Real Madrid koobka ku guuleysatay.
Dhinaca Atletico Madrid, waxa uu u qabtay 19 ciyaarood oo dhamaan tartamada ah, kuwaas oo 10 ka mid ah ay Atletico guuleysatay, 3 laga badiyey, 6na barbarro galeen.
Xidhiidhka Spain waxa kale oo uu garsooraha VAR u doortay Eduardo Prieto Iglesias.