Tababaraha kooxda kubadda cagta Chelsea ee Mauricio Pochettino ayaa bandhigga liita iyo natiijooyinka aan wanaagsanayn ee ay ka keenayaan garoomada ku eedeeyey in ay sabab u tahay ‘shaqsiyadda iyo hab-fikirka ciyaartoydiisa’, kaddib markii ay Liverpool 4-1 kusoo garaacday Arbacadii.
Blues ayaa laga badiyey shan ka mid ah lixdii ciyaarood ee ugu dambeeyey horyaalka Premier League ee ay martida noqdeen, waxaana arrintani ay walaac ku haysaa tababaraha reer Argentina.
Pochettino oo la weydiiyey inuu sharraxo dhibaatada haysata kooxdiisa, kaddib shirkii jaraa’id ee guul-darrada Liverpool ayaa yidhi: “Waxa aan u malaynayaa inay qayb ka tahay shaqsiyadda iyo hab-fikirkayaga. Waxa aanu u baahanahay in aanu kalsooni badan ku qabno nafahayag.
“Hadda horumar ayaanu ka samay naynaa kulamada garoonkayaga oo xilli-ciyaareedkii hore ay dhibaato naga haysatay, laakiin waxa aanu u baahanahay in aanu kalsooni badan dareenno marka aanu dibedda uga baxno hoygayaga.
“[Natiijooyinka liita] waxay ku xidhan yihiin kalsoonida iyo aaminaadda. Waxa aad u baahan tahay awoodda aad kusoo bandhigi karayso qaabka kulamada garoonkaaga marka aad dibedda u baxdo, balse waa arrin ku xidhan waqti.”
Mar la weydiiyey sida ay kooxdiisu iskaga celin karto Liverpool ciyaarta finalka Carabao Cup ee dhamaadka bishan Februar ayaa waxa uu Pochettino ku jawaabay: “Waxa hubaal ah inay ka duwanaan doonto, sababtoo ah waxa lagu ciyaarayaa garoon dhaxdhaxaad ah. Dabcan, dareenkaasi wuu jiraa, waana arrin fiican maadaama aanu doonayno in aanu tartanno, haddiise aanu u tartano sidii maanta [xalay] natiijadu waxay noqonaysaa isla sidii oo kale uun.
“Haddii aanaan horumar samaynin way nagu adkaan doontaa in aanu ka guuleysano, balse waxa hubaal ah in aanu baranayno ciyaaraha noocan oo kale ah. Waxa aanu la tartamaynay koox weyn oo sare, wayna noo fiican tahay in aanu dareenno in aanu u baahanahay in aanu horumar samayno.”