Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa waqtigeeda oo dhan iskugu geynaysa sidii ay ula saxeexan lahayd xiddiga reer France ee Kylian Mbappe oo xor ka noqonaya kooxdiisa Paris Saint-Germain dhamaadka xilli-ciyaareedkan.
Real Madrid ayaa la sheegay in ay doonayso inay heshiis hordhac ah ka saxeexdo Kylian Mbappe bishan January, isla markaana ay xagaaga si fudud kusoo qaadato.
Sida ay ku warramayso warbaahinta El Chiringuito, Real Madrid ayaa kalsooni buuxda ku qabta in ay la saxeexanayso Kylian Mbappe bishan January, laakiin waxa sidoo kale dagaal adag ku jirta PSG oo doonaysa inay ku qanciso laacibkan in ay sii xajisato.
El Chringuitto waxa uu sheegay, in Real Madrid ay fursad u haysato Mbappe in ay la saxeexato 60%, taasina kalsooni gelinayso Florentino Perez oo waqti badan ku bixiyey sidii uu laacibkan u keeni lahaa Santiago Bernabeu.
Sannadkii 2022 ayay Real Madrid u dhowaatay inay la saxeexato Mbappe, laakiin bishii May ayuu si lama filaan ah u saxeexay heshiis cusub iyadoo laga sugayo inuu tago Real Madrid oo soodhoweyntiisa isku diyaarinaysay.