Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa dhamaystirtay saxeexeedii koowaad ee suuqa iibka ciyaartoyda ee bisha January, waxaanay gacanta ku dhigeen xiddiga lagu naanayso ‘Lionel Messi-ga cusub’ ee Arsenal ee Claudio Echeverri.
Xiddigan oo wacdaro ka dhigay Koobkii Adduunka ee da’yarta adduunka ee bishii hore uu waddanka Jarmalku ku guuleystay, ayaa waxa ay Manchester City ku garaacday kooxdo badan oo kula tartamayay oo ay ugu cadcaddayd Barcelona.
Manchester City ayaa waxa ay heshiis buuxa la gaadhay River Plate oo ay isla meel-dhigeen iibka Claudio Echeverri oo si rasmi ah u noqon doona ciyaartoy Manchester City ah.
Claudio Echeverri oo dhashay sannadkii 2006, ayaa waxa ay Manchester City ka bixin doontaa €14.5 milyan oo Gini oo kaash ah iyo €9 milyan oo Gini oo kale oo ku xidhnaan doona bandhiggiisa iyo guulaha uu la gaadho Man City.