Liverpool ayaa xiiseyneysa inay la soo wareegto weeraryahanka Inter Milan Marcus Thuram, sida laga soo xigtay majalada Talyaaniga ah ee Calciomercato.
Thuram ayaa lagu soo waramayaa in lagu burburin karo 85 milyan oo euro qandaraaskiisa Inter, waxana uu uu u arkaa fursad u dhaqaaqista Anfield.
Liverpool ayaa hadda dalab Rasmi ah ka gudbin doonta bisha January weeraryahanka reer France kaasoo xili ciyaareed niyad jab leh ku qaadanaya Serie A.
27-sano jirkaan wuxuu leeyahay awood uu kaga ciyaaro boosas badan oo weerarka ah, isagoo weerarka dhexe iyo labaad garab buuxin kara, taasoo ah waxa uu u baahan yahay Arne Slot.
Liverpool oo haatan hogaanka u haysa horyaalka Premier League iyo Champions League, waxa ay si heersare ah ku bilaabatay waayaha tababarahooda cusub, laakiin waxa ay isha ku hayaan in ay xoojiyaan doorka weerarka, gaar ahaan marka la eego mustaqbalka Salah oo aan la hubin.
Thuram waxa uu dhawaan u ciyaarayay xulka France ciyaar ka dhacday San Siro, Isagoo hadlay ka dib guushii 3-1 ee xulkiisa, weeraryahanka ayaa yiri “Waan jeclahay garoonkan; Waan jeclahay San Siro,” laakiin lama hubo waxa dhici doona mustaqbalka.
Thuram, oo ah wiilka uu dhalay daafacii hore ee Faransiiska Lilian Thuram, ayaa ahaa ciyaaryahan muhiim u ah Inter tan iyo markii uu kaga soo biiray Borussia Monchengladbach 2023 isagoo dhaliyay 23 gool 61 kulan oo uu u saftay koxdiisa.