Isniintii maanta ayaa baadhitaan lagu sameeyey xiddiga khadka dhexe ee reer Netherlands ee Frenkie de Jong oo xalay ku dhaawacmay ciyaartii El Clasico ee ay guul-darrada 3-2 ah kasoo gaadhay naadigiisa.
Dhakhaatiirta Barcelona ayaa shaaciyey in Frenkie de Jong uu dhaawac kasoo gaadhay kuraanta lugta midig, waana isla halkii uu ciyaartoygani laba jeer oo hore ka dhaawacmay xilli-ciyaareedkan oo uu muddo bilooyin ah u jiifay.
War-saxaafadeed ay soo saartay Barcelona ayaa lagu sheegay in baadhitaanno ay saaka dhakhaatiirteedu kus ameeyeen Frenkie de Jong in ay ku ogaadeen, in burbur uu ku yimid kuraanta lugta midig, laakiin ma aanay sheegin kooxdu muddada uu garoomada ka maqnaan doono.
Wargeyska Marca ee kasoo baxa waddanka Spain ayaa sheegay in De Jong uu ka maqnaan doono garoomada inta ka hadhay xilli-ciyaareedkan socda oo ah lix ciyaarood oo Barcelona ay dheeli doonto horyaalka waddanka Spain ee LaLiga.