Weeraryahanka reer Portugal ee Diogo Jota ayaa muujiyey in uu dhibsaday saaxiibkiisa Liverpool ee Trent Alexander-Arnold intii ay socotay ciayartii Fulham ay 3-1 kusoo garaaceen Axaddii, taas oo keentay in ay hoggaanka ku qabsadaan Arsenal oo farqiga goolasha kaga haysa.
Diogo Jota oo kasoo laabtay dhaawac jilibka ahaa oo uu ku maqnaa tan iyo bishii February ayay u ahayd ciyaartiisii koowaad ee uu kusoo bilowday, waxaana uu dhaliyey goolka saddexaad isaga oo naadigiisa kusoo celiyey tubta guusha ee ay ka lumeen usbuucyadii ka horreeyey.
Alexander-Arnold ayaa ciyaarta ku furay laad xor ah oo uu ku aamusiiyey jamaahiirta fadhiday garoonka Craven Cottage, ka hor intii aanu Ryan Gravenberck keenin goolka labaad iyadoo goolka saddexaadna uu raaciyey Diogo Jota oo uu beddelkiisu taagan yahay, halka goolka madiga ah ee Fulham uu saxeexay Timothy Castagne oo reer Belgium ah.
Difaaca midig ee reer England ee Alexander-Arnold ayaa goolkiisu uu ahaa laad xor ah oo uu ka toogtay masaafo 25 yard ah, waxaana markiiba uu u cararay dhinaca taageereyaasha Fulham oo uu hortooda ku dabbaal-degay, waxaana dhabarka kaga soo booday Harvey Elliott.
Alexander-Arnold ayaa waxa uu fartiisa saaray dabinta isaga oo aamusiinaya taageereyaasha Fulham oo ku oorinayey, laakiin waxa arrintan dhibsaday Jota oo dib usoo qabtay Alexander-Arnold isaga oo wajiga ka dhirbaaxay.
Halkan ka daawo muuqaalka
Jota wasn't happy with Trent's shush celebration 🤫😂pic.twitter.com/5wTeRj087V
— Anything Liverpool (@AnythingLFC_) April 22, 2024