Frank Lampard ayaa shaaciyey magacyada saddex ciyaartoy oo uu sheegay inay sabab u ahaayeen in xulka qarankooda England uu ka hadho Koobka Adduunka sannadkii 2006, iyaga oo ka mid ahaa dalalka loo saadaalinayey.
England oo haysatay xiddigo waaweyn ayaa waxay durduro kaga soo gudubtay wareeggii koowaad ee Gropuyada oo ay guulo ka gaadhay Praguay iyo Trinidad and Tobago, halka ay barbarro la gashay Sweden, waxaanay kusoo gudubtay kaalinta koowaad.
Steven-Goran Eriksson oo ahaa tababaraha England, waxay xulkiisa isku dhaceen Ecuador oo ay wareeggii 16ka kasoo gudbeen, halka wareegii siddeedda ay isku dhaceen xulka qaranka Portugal oo rikoodheyaal ku reebay.
Wayne Rooney ayaa dhalleecayn badan loogu jeediyey in uu ku istaagay Ricardo Carvalho, kaddibna uu casaan kaga baxay ciyaarta, sidaasna uu xulka Portugal rikoodheyaal ugu soo gudbay wareegga semi-finalka.
Frank Lampard oo wax laga weydiiyey sababtii ay uga hadheen Koobka Adduunka 2006 oo si weyn loogu saadaalinay, ayaa diiday inuu eedda dusha ka saaro Wayne Rooney, waxaana uu ku dooday in isaga oo Lampard ah, John Terry iyo Ashley Cole ay lahaayeen sababta guul-darrada.
“Waa in aanu qaadanno masuuliyadda – waa sidaas imtixaanka ciyaaraha caalamiga ah, waana in aad awooddo in aad tagto, la qabsato oo aad fahamto.
“Waxa aanu idiin sheegnay lix bilood kaddib markii aanu ka hadhnay Koobkii Adduunka 2006, in meel kasta oo aanu tagnay aniga, John Terry iyo Ashley Cole la nagu dhalleecaynayay oo la noogu sheegayay in aanu annagu lahayn masuuliyadda guul-darrada.”
Xiddigaha England ee waqtigaas oo lagu naanaysi jiray ‘Jiilka Dahabiga ah ee England’ waxa ka mid ahaa Paul Scholes, Steven Gerrard, Rooney, Michael Owen, Sol Campbell, Cole, Lampard iyo Rio Ferdinand oo ciyaaraha ka fadhiistay iyagoon wax koobab ah ku guuleysanin.
Lampard oo sharraxaya sababta ay u guuleysan waayeen ayaa waxa uu sheegay inay jireen xulal kale oo ka wanaagsanaa iyaga, sida Talyaaniga iyo Faransiiska oo haystay ciyaartooyo ay ka mid ahaayeen Andrea Pirlo iyo Zinedine Zidane.