Toban ka mid ah 12ka garoon ee Koobka Kooxaha Adduunka ayaa ku yaala Xeebta Bari ee Mareykanka, Madaxweynaha FIFA Gianni Infantino ayaa ku dhawaaqay Sabtidii.
FIFA ayaa ku dhawaaqday goobaha ay ka dhacayaan koobka kooxaha aduunka ee 2025, iyadoo inta badan tartanka lagu ciyaari doono xeebaha Bari ee Maraykanka bisha June ee soo socota.
Waa kuwan meelaha, uu shaaca ka qaaday madaxweynaha FIFA Gianni Infantino.
- Rose Bowl, Los Angeles.
- Lumen Field, Seattle.
- Camping World Stadium, Orlando.
- Garoonka Inter&Co Stadium, Orlando.
- Mercedes-Benz Stadium, Atlanta.
- GEODIS Park, Nashville.
- Bank of America Stadium, Charlotte.
- Garoonka TQL, Cincinnati.
- Audi Field, Washington.
- MetLife Stadium, East Rutherford, N.J.
- Hard Rock Stadium, Miami.
- Lincoln Financial Field, Philadelphia.
Tartanka ayaa bilaaban doona 15-ka June, waxaana la soo gabagabeyn doonaa afar todobaad kadib 13-ka July.
Finalka ayaa ka dhici doona garoonka MetLife.
Hubanti la’aanta ka jirta Koobka Kooxaha Adduunka ayaa la kulmay indho-indheyn, iyadoo su’aalo la iska weydiinayo ku saabsan tartanka FIFA ee dib u habeynta lagu sameeyay.
32 kooxood ayaa lagu wadaa in ay ka qeyb galaan xaflada, waxaana loo kala qeybiyay sideed Group, iyadoo labada kooxood ee ugu sareysa ay u soo gudbayaan wareega 16-ka.
Daah-furka goobta uu ka dhacayo ayaa ku soo beegantay xilli xasaasi ah oo lagu jiro qorshaha tartanka.
Iyada oo sagaal bilood oo kaliya ay ka harsan tahay xilliga loo qorsheeyay in uu furmo.
Dhanka kale, kooxaha iyo ciyaartoyda ayaa muujiyay dareenkooda ku aadan tartanka, iyo sida uu u saameyn karo daryeelka dhamaadka xilli ciyaareedka mashquulka badan ee Yurub.