Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa dib ula wareegtay hoggaanka horyaalka Premier League kaddib markii ay guul cidhiidhi ah kasoo gaadheen Manchester United oo ay ku booqdeen Old Trafford.
Arsenal ayaa hal dhibic ka sare martay Manchester United oo ciyaarteeda usbuucan ee baaqiga u ahayd Salaasada la ciyaari doonta Tottenham, taas oo ay Gunners ku ducaysanayso in la qabto kooxda tababare Pep Guardiola.
Gool madi ah oo uu qaybtii hore u dhaliyey Leandro Trossard ayaa Arsenal siiyey guul muhiim ah oo ay hoggaanka kusii hayn doonaan, iyadoo horyaalka Premier League lasoo gabogabaynayo maalinta Axadda ee toddobaadka dambe.
Ciyaartan oo inta badan ay kubadda maamulaysay Manchester United oo aan ka faa’iidaysanin fursadihii ay samaysay, ayaa waxa Red Devils ay waqti hore ku doodday rikoodhe in loo dhigo balse uu garsooruhu u sheegay inay ciyaartu socoto, isagoo iska indho tiray qalad lagu galay Amada Diallo, waxaana go’aankaas ku raacday VAR.
Daqiiqaddii 20aad ayaa kubbad uu dhinaca midig ka keenay Kai Havertz, waxa goolka hortiisa uu u dhigay Leandro Trossard oo shabaqa ku leexiyey, waxaana goolkani uu ku yimid qalad uu sameeyey Casemiro oo aan ka bixin offside-ka.
Arsenal oo hadda ku ducaysanaysa in Tottenham ay u hiiliso oo Salaasada ay ka qabato Manchester City oo magaalada London ku booqanaysa, ayaa waxa ay heshay fursado badan oo dahabi ahaa oo dhamaadkii ciyaarta ahaa, markaas oo goolhaye Onana uu badbaadiyey kubbad madax ahayd iyo darbad xigtay oo uu bannaanka kaga soo toogtay Declan Rice.
Alejandro Garnacho iyo Antony ayaa helay fursadihii ugu fiicnaa ee Manchester United qaybtii labaad, waxaase ka badbaadiyey goolhaye David Raya.
Laacibka reer Argentina ee Alejandro Garnacho ayaa dhawr kubbadood oo halis ahaa kala soo galay dhinaca bidix, balse Thomas Partey iyo William Saliba ayaa ka feejignaa khatartiisa, halka darbad halis ahayd oo uu meel dhow ka toogtay uu dhinaca ka mariyey birta.
Guushan ay Arsenal ka gaadhay Manchester United ayaa ahayd markii saddexaad ee xidhiidh ah ee ay ka badiso Manchester United markii ugu horreysay tan iyo September 1998, iyadoo labadii kulan ee horyaalka ee labada garooba ay dhibacaha ka qaateen.
Waxa kale oo ay guushani ahayd libintii 27aad ee horyaalka Premier League ee ay Arsenal gaadho xilli-ciyaareedkan, waxaana ay kusoo dhowaadeen rikoodhadii xilli-ciyaareedyadii 1970-71 iyo 1930-31 oo 29 ciyaarood iyo 28 kulan ay guuleysteen.
Dhinaca kale, Manchester United oo u dhacday kaalinta siddeedaad oo saddex dhibcood ay ka dambayso Chelsea oo toddobaad fadhiisatay, ayay caawa u ahayd guul-darradii 19aad ee xilli-ciyaareedkan soo gaadhay, waxaanay barbarreeyeen rikoodhkoodii ugu badnaa guul-darrooyinka oo ahaa 1978-79 oo tiradan oo kael laga badiyey hal xilli-ciyaareed gudihii.
Natiijadan ayaa ka dhigan, in Arsenal ay yeelatay 86 dhibcood iyadoo dheeshay 37 kulan oo horyaalka Premier League ah, halka Manchester City oo haysata 85 dhibcood ay dheeshay 36 dhibcood.