Weeraryahanka kooxda kubadda cagta Manchester City ee Erling Haaland ayaa qiyaasay waqtiga uu ku guuleysan doono abaal-marinta xiddiga adduunka ee Ballon d’Or, waxaana uu magacaabay ciyaartoy aanu ka ladaynin oo aanu abaal-marintan wax fursad ah u heli doonin inta uu garoomada ku jiro.
Erling Haaland ayaa xilli-ciyaareedkii hore kaalinta labaad ka galay tartanka abaal-marinta Ballon d’Or iyagoo isku dhibco noqday Lionel Messi oo kaga guuleystay abaal-marinta.
23 jirkan oo la hadlay warbaahinta ka hor ciyaarta Champions League ee FC Copenhagen ayaa waxa uu sheegay in guushiisa Ballon d’Or ay ku xidhan tahay inuu ciyaaraha ka fadhiisto Lionel Messi oo uu ku sheegay xiddigii ugu fiicnaa taariikhda kubadda cagta abid.
Mishiinkan goolasha oo 53 ciyaarood oo uu Manchester City u saftay xilli-ciyaareedkii hore u dhaliyey 52 gool, isla markaana kula guuleystay Champions League, Premier League iyo FA Cup ayaa yidhi: “Wax walba waan ku guuleystay laakiin wali waxa aan ahay 23 jir, markaa waxa aan doonayaa inaan mar kale ku guuleysto koobabka oo dhan.
“Lionel Messi ayaa ah ciyaartoygii ugu wanaagsanaa ee abid ciyaara kubadda cagta, waxa laga yaabaa in marka uu isagu hawlgabka ka noqdo ciyaaraha ee uu ka fadhiisto kubadda cagta in anigana la igu abaal-marin doono Ballon d’Or.”