Ole Gunnar Solskjaer ayaa sheegay in qaar ka mid ah ciyaartoyda Manchester United ay diideen inay noqdaan kabtanka ciyaaraha qaarkood.
Halyeyga Red Devils ayaa ah mid ka mid ah tababarayaal badan oo isku dayay kuna guul dareystay in ay waayihii guulaha ku soo celiyaan Old Trafford tan iyo markii uu Sir Alex Ferguson ka tagay. Ka dib bilow rajo leh. shaqadiisa ayaa noqotay mid adag bilowgii xilli ciyaareedkii 2021/22.
Inkastoo uu isaga qaatay eeda inteeda badan waqtigaas, hadana Solkjaer caawinaad kama uusan helin ciyaartoyda qaarkood kuwaasoo diiday inay kabtan u noqdaan marka uu ka codsado.
Isagoo ka hadlayay barnaamijka Stick to Football, Solskjaer ayaa yiri: “Cidna ma diidin inay gabi ahaanba kabtan u noqoto kooxda, kaliya waxay diideen inay kulamada qaar noqdaan kabtanka.
“Laakiin ma aysan dooneynin inay iyaga shaqsi ahaan sidaas yiraahdeen, waxay ii soo dirayeen dad kale oo ii sheegayay inaysan rabin inay kabtan noqdaan kulamada qaar. Niyadjab ayay aheyd. Waa jiil ka duwan jiilkii hore. Waxay ku tusineysaa maan yari iyo hami la’aan.”
Hadalka Solskjaer ayaa waxaa ka falceliyay halyeeyga kooxda Man United Gary Neville oo ay amakaak ku noqotay in ciyaartoyda qaar ay diidaan inay xirtaan kabtanka kooxda kulamada qaarkood.
“Waxay iga dhigeysaa mid u walwalsan iyaga, sababtoo ah waxaan isweydiinayaa sida ay maskaxdooda u shaqeyso oo ay ku diidi karaan mid ka mid sharafta ugu sareysa kubada cagta ee kabtanimada?
“Uma maleynayo inay awood yari ka tahay, laakiin waxay ku jiraan xaalad xun oo ay uga gabanayaan mas’uuliyada.”
Solskjaer ayaa sidoo kale faahfaahiyay fulaynimada ciyaartoyda qaarkod marka ay ka timaado la hadalka warbaahinta.
“Ciyaartooy badan ayaa diiday inay warbaahinta la hadlaan kulamada ka hor oo ay ka jawaabaan seddex su’aalood” ayuu yiri Solskjaer.
“Kuwa inta badan ogolaanayay waxay ahaayeen Bruno Fernandes Harry [Maguire], Victor [Lindelof], David [de Gea], Luke. Kuwa kale waxay ka walwalsanaayeen su’aalaha sidaasi darteed waxay doorbideen inaysan la hadlin warbaahinta.”