Liverpool ayaa rajaynaysa in ay dib u hesho ugu yaraan hal ciyaartoy oo kasoo laabtay dhaawac kulanka caawa ee Sheffield United, iyagoo ogsoon in haddii ay guuleystaan ay dib ula wareegi doonaan hoggaanka hroyaalka Premier League oo ay laba dhibcood dhaafi doonaan.
Tababare Jurgen Klopp ayaa xaqiijiyey Jimcihii in Curtis Jones uu taam u yahay ciyaarta caawa isla markaana uu kasoo laabtay dhaawacii kasoo gaadhay ciyaartii February 17 ee Brentford, halka Andy Robertson uu kasoo kabtay jug uu ku seegay ciyaartii Brenfford.
Klopp ayaa sidoo kale sheegay in Wataru Endo uu shaki ku jiro ciyaartan sababtoo ah jug kasoo gaadhay kulankii Brighton, waxaana uu awoodi waayey inuu taam u noqdoi kulankan inkasta oo waqti dambe go’aan laga gaadhi doono.
Dhinaca kale, waxa Liverpool ka maqan xiddigo muhiim ah, sida Trent Alexander-Arnold oo la filayay inuu kulankan yimaaddo laakiin awoodi waayey, halka Jota iyo Becker ay wali sii maqnaan doonaan muddo kale. Xiddigaha ka maqan Liverpool ayaa kala ah: Joel Matip, Wataru Endo, Alisson Becker, Diogo Jota, Trent Alexander-Arnold, Stefan Bajcetic, Thiago Alcantara iyo Ben Doak.
Halkan kaga bogo xiddigaha Liverpool ee kulanka Sheffield United
Goolhayeyaal: Caoimhin Kelleher, Fabian Mrozek, Adrian.
Difaaca: Andy Robertson, Conor Bradley, Ibrahima Konate, Joe Gomez, Virgil van Dijk, Jarell Quansah, Kostas Tsimikas.
Khadka Dhexe: Dominik Szoboszlai, Alexis Mac Allister, Curtis Jones, Ryan Gravenberch, Harvey Elliott, Bobby Clark, James McConnell.
Weerarka: Luis Diaz, Darwin Nunez, Mohamed Salah, Cody Gakpo, Jayden Danns.