Tababaraha kooxda kubadda cagta Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa shaaciyey sababta rasmiga ah ee uu u qaatay go’aankii adkaa ee ahaa inuu iskaga tago kooxdaas oo uu joogay sagaal sannadood, taas oo bishii January uu ku dhawaaqay inuu ka tegayo.
Jurgen Klop oo la hadlay saxaafadda ayaa waxa uu sheegay, in haddii aanu qaadannin go’aanka ah inuu ka tago Anfield, ay kooxdiisa Liverpool mari doonto silic adag oo la mid ah natiijooyinkii xumaa ee ay lixdii usbuuc ee u dambeeyey ka keenayeen garoomada ee ay ka hadheen Europa League, sidoo kalena ay ka baxeen tartanka horyaalka Premier League.
Liverpool ayaa waxa wareeggii siddeedda ee FA Cup ku reebtay Manchester United badhtamaha bishii March, sidoo kalena Atalanta ayaa wareegga siddeedda kaga reebtay FA Cup, halka horyaalkana ay kaliya ku dhamaysanayaan kaalinta saddexaad.
Markii uu Jurgen Klopp ku dhawaaqay go’aanka bixitaankiisa, Liverpool ayaa waxa ay guuleysatay 10 ciyaarood 12 kulan gudahood, waxaana la moodayey inuu shidaal u noqday go’aanka tababarahooda oo ay doonayaan inay guul ku sagootiyaan.
Axaddii ayay jidka guusha kusoo laabatay Liverpool markii ay 4-2 kaga adkaatay Tottenham, laakiin waxa uga horreeyey guul-darrooyin ay kala kulmeen Everton iyo Crystal Palace iyo laba barbarro ahaa oo ay West Ham iyo Manchester United la galeen, waana afarta ciyaarood ee galaaftay tartankii ay kula jireen Arsenal iyo Man City ee horyaalka Premier League.
“Kubaddayadu ma ahayn mid wanaagsan toddobaadyadii ugu dambeeyey, waxaanad maqlayseen in ay dadku leeyihiin waxay u muuqdaan kuwo dhab ahaan u dallan. Aniguna hadda waan gaboobay.” Ayuu Jurgen Klop u sheegay Sky Sports isaga oo sharraxaya sababta rasmiga ah ee uu uga tegayo Liverpool.
Waxa uu intaa kusii daray: “Anigu 100% ayaan ahaan karayaa illaa maalinta ugu dambaysa xilli-ciyaareedkan, waana sida aan qorsheeyey, laakiin waxa hubaal ah in haddii aanan qaadan lahayn go’aankan oo aanan bixin, in xilli-ciyaareedka dambe uu noqon lahaa mid adag oo ay kooxdu silci lahayd.”