Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa waxa mar kale ka dhaawacmay xiddiga khadka dhexe ee Thiago Alcantara oo Axaddii kasoo laabtay dhaawac uu u jiifay tan iyo bishii April ee sannadkii hore, isla markaana beddel kusoo galay dhamaadka ciyaartii ay Gunners 3-1 ku xasuuqday Liverpool.
32 jirkan ayaa la daalaa-dhacaya dhaawacyo muruqyada ah oo u diiday inuu muujiyo xirfaddiisa, waxaana hadda laxaqiijiyey inuu mar kale dhaawacmay oo uu muddo maqnaan doono.
Liverpool ayaan wali war buuxa kasoo saarin dhaawaca cusub ee Thiago Alcantara oo uu tababare Jurgen Klopp maalmo ka hor sheegay, in uu kooxdiisa u noqon doono ‘sidii saxeex cusub’ oo kale oo uu qaybta dambe ee xilli-ciyaareedka bandhig fiican samayn doono, hase yeeshee taasi ma dhicin waxaana uu ar kale dib ugu laabtay dhaawac.
Thiago Alcantara oo Steptember 2020 ay Liverpool kasoo iibsatay Bayern Munich ayaa waxa qandaraaskiisu ku egyahay dhamaadka xilli-ciyaareedkan.
Liverpool ayaa waxa hore dhaawac ugaga maqnaa Dominik Szoboszlai oo muddo aan la cayimin jiifi doona, laakiin waxa dib ugu soo laabtay Wataru Endo oo diyaar u ah ciyaarta Burnley ee horyaalka Premier League kaddib markii uu xulkiisa Japan kasoo hadhay tartanka qaramada Asia.