Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa loo diidi doonaa in ay magaalada Manchester ka dhisto ‘Wembley of the North’ iyada oo duminaysa garoonkeeda Old Trafford oo isla goobta ka binaynaysa qalad qurux badan oo loo farsameeyey sida garoonka xulka qaranka ee Wembley ee magaalada London.
Sir Jim Ratcliffe ayaa qorsheeyey in uu dumiyo garoonka kooxdiisa Manchester United ee Old Trafford oo la dhisay muddo laga joogo 114 sannadood, isla markaana waqtiyo kala duwan lagu sameeyey dibu-habayn laakiin dhismaha asalka ah uu yahay midkii waqtigaas la taagay.
Sir Jim oo ah ninka labaad ee ugu taajirsan UK ayaa la sheegay in ay jirto arrin uu ka walaacsan yahay oo ah in ay dawladdu u ogolaan doonto dhismaha garoonkan oo ay ku baxayso lacag dhan £2 bilyan oo Gini.
Waxa la sheegay in uu qorshuhu yahay in Sir Jim uu maalgeliyeyaal iyo dawladda ka raadiyo lacagta lagu dhisayo garoonkan oo amaah ay ku helaan, waxaana jirta suurtogalnimo ah in Wasaaaradda Guriyeynta iyo Daryeelka dadku ay ogolaan doonto inay bixiso lacagta, laakiin haddana waxa walaac kale oo ah in dawladdu ay diidi doonto in ay bixiso lacagtan isla markaana garoonkan la dumiyo waqtigan.
Duqa magaalada Greater Manchester oo lagu magacaabo Andy Burnham ayaa la rumaysan yahay in ay haddaba wada hadleen Sir Jim Ratcliffe oo ay arrintan ka wada hadleen.
Si kastaba ha ahaatee, Manchester United ayaa kalsooni ku qabta in ay ka gudbi doonaan caqabadaha horyaalla oo loo ogolaan doono in ay dhistaan garoonkooda cusub oo sida Wembley oo kale qaadi doona 90,000 qof.