Xiddigii Manchester United, Everton iyo xulka qaranka Belgium ee Marouane Fellaini ayaa shaaciyey inuu ka fadhiistay kubadda cagta isagoo ay da’diisu tahay 36 jir, isla markaana soo maray dalal kala duwan iyo kooxo badan oo uu waqtiyo badan kusoo qaatay.
Marouane Fellaini ayaa ka tegay kooxda horyaalka waddanka China ee Shandong Taishan bishii November kaddib afar sannadood oo uu ka dheelayey naadigaas, waxaana saddex bilood oo uu shaqo la’aan ahaa kaddib uu shaaciyey inuu kabaha tiiriyey oo uu ka fadhiistay ciyaaraha.
Qoraal uu Marouane Fellaini ku daabacay bartiisa Instagram, ayaa uu ku yidhi: “Waxa aan qormadan ku shaacinayaa in aan soo afjaray 18 sannadood oo aan ciyaarayey kubadda cagta, waxaanan hawlgab ka noqday xirfaddaas.
“Waxay soo bilaabantay waqti dheer ka hor oo laga joogo 18 saninadood, waxa aan u xasuustaa sidii ay shalay oo kale tahay, ciyaartaydii koowaad ee aniga oo carruur ah, tababarradii aan dhamaadka lahayn ee aan aabbahay la qaadan jiray, xulashaydii ugu horreysay ee kooxda Standard de Liege, xulashadaydii koowaad ee xulka Qaranka Belgium. Waqtigu wuu odayaa! Waxa uu ahaa safar cajiib ahaa!
“Waxa aan ku faraxsanahay waayahaygii aan kusoo qaaday Standard oo Belgium ahayd, Everton iyo Manchester United oo UK ah iyo Shandong Taishang oo China ah. Sharaf bay ii ahayd in aan u ciyaaro xulka qaranka Belgium ciyaarihii olombikada ee 2008, Euro 2016 iyo Koobabkii Adduunka ee 2014 iyo 2018.”
Ka hor intii aanu tegin China, Marouane Fellaini ayaa waxa uu muddo shan sannadood iyo badh ah u ciyaaray Manchester United oo uu u saftay 177 ciyaarood, isaga oo sannadkii 2016 kula guuleystay FA Cup ka hor intii aanay qaadin Carabao Cup iyo Europa League sannadkii xigay.
Kooxda Everton ayaa uu sidoo kale u ciyaaray 177 ciyaarood oo uu ka mid ahaa xiddigaha goolasha badan u dhaliyey, iyadoo xulka qarankiisa Belgium oo uu u saftay 87 ciyaarood uu sannadkii 2019 si rasmi ah uga fadhiistay.
Marouane Fellaini waxa kooxdiisii ugu dambaysay ee reer China ee Shandong uu saddex sannadood oo xidhiidh ahaa kula guuleystay Chinese FA Cup sannadihii 2020, 2021 iyo 2022, waxaanay u tixgeliyaan in uu yahay halyeygooda kubadda cagta.