Halyeygii goolka Arsenal ee David Seaman ayaa qirtay inuu jiro xiddig u ciyaara Liverpool oo uu jeclaan lahaa inay la saxeexato Gunners, isla markaana ka dheelo Emirates Stadium ka hor kulanka Axadda berri ay ku ballansan yihiin labada kooxood.
Arsenal ayaa waxa u taalla shaqo adag oo ah inay ka aargoostaan Liverpool oo isla garoonkan ku garaacday kagana reebtay tartanka FA Cup, taas oo haddii ay mar kale ka badiso quus ka dhigi doonta fursaddii Gunners ee horyaalka Premier League, waxaana laga horreyn doonaa siddeed dhibcood.
Liverpool ayaa ku jirta xilli-ciyaareed fiican oo ay xiddigaheeda Mohamed Salah, Luis Diaz, Diogo Jota, Darwin Nunez iyo Cody Gakpo dhamaantood goolal dhalinayaan, waxaana hadda loo dheg taagayaa Axadda.
David Seaman oo ahaa goolhayaha Arsenal waqtigii ay ku guuleysanayeen horyaakoodii ugu dambeeyey ee ay ku guuleysteen, sidoo kalena ahaa goolhayaha koowaad ee xulka qaranka England ee Koobkii Adduunka 2002, ayaa waxa uu sheegay in uu kooxdiisa hore la jeclaan lahaa inay haysato ciyaartoy sida Diogo Jota oo kale ah.
David Seaman ayaa yidhi: “Ma haysano weeraryahannadooda oo kale, waana halka aanu ka liidano xilli-ciyaareedka. Waxa aan arkay dhamaystirka cajiibka ah ee Jota ciyaartii FA Cup, waxa goolal dhalinaya Nunez, iyo Salah marka uu usoo laabto waxaanu u dhalin doonaa goolal. Run ahaantii, waxa aan soo qaadan lahaa weerarkoodaa.”
Mar la weydiiyey midka uu ka qaadan lahaa weerarka Liverpool, waxa uu ku jawaabay: “Waxa aan qaadan lahaa Diogo Jota, waa dhaliye cajiib ah.: