Tababaraha kooxda kubadda cagta Barcelona ee Xavi Hernandez ayaa dalbaday in sharraxaad laga siiyo sababta uu Joan Laporta shaqada uga caydhiyey isaga oo maalmo ka hor ku qanciyey inuu ka noqdo go’aankii uu marka hore isagu sida shaqsiga ah u qaatay ee ahaa inuu ka tago kooxda dhamaadka xilli-ciyaareedkan.
Xavi Hernandez ayaa shirkiisii jaraa’id ee ugu dambeeyey isaga oo ah tababaraha Barcelona waxa uu maanta ku hor yimid saxaafadda oo uu uga jawaabay su’aalo u xaglinayey dhinaciisa isla markaana ku qotomay shaqo ka caydhintiisa.
Jimcihii shalay ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay Barcelona, waxay ku sheegtay inay shaqada ka eriday Xavi Hernandez, hase yeeshee waxa arrintan layaab ay ku noqotay tababaraha iyo taageereyaasha intaba, iyadoo jamaahiirtu ay khiyaanoole ku tilmaameen madaxweynaha kooxdooda Joan Laporta.
Xavi Hernandez oo la weydiiyey sababta lagu eryay ayaa isaga oo indhihiisa ay ilmo kusoo taagan tahay waxa uu ku jawaabay: “Isaga [madaxweyne Joan Laporta] ayaa garanaya wax walba oo dhacay iyo go’aankiisa. Aniga iima fiicna inaan fikirkayga saxaafadda u sheego. Waxbana iima soo kordhinayso laakiin waxa kaliya oo aan hadda doonayaa in aan si nabadgelyo ah ku tago. Kaliya waxa aan Madaxweynaha iyo boodhka u hayaa hal-kalmad oo ah ‘madadsanidin.’
Mar la weydiiyey inuu filayey shaqo ka eryidda ayaa waxa uu Xavi ku jawaabay: “Runtu waxay tahay in aanan ka fikirayn, balse waxa laga yaabaa in ay qasab noqotay in aanu sidaas ku kala tagno. Waanu jecel nahay kooxdan, waxaanan rajaynayaa in aan heli doono fursad aan ugu shaqeeyo naadigan oo ah noloshayda.”
Su’aal kala eoo laga weydiiyey eryidiisa ayaa uu Xavi kaga jawaabay: “Anigu kama jawaabayo, laakiin waa in isagu [madaxweyne Laporta] uu sharraxaad ka bixiyo. Isaga ayay tahay inuu go’aankiisa sharraxo.”