Kooxda kubadda cagta Bayern Munich ayaa qish ka bixisay naadiga uu loo magacaabayo tababarihii ay dhowaanta shaqada ka eriday ee Thomas Tuchel, kaas oo bishii February lagu sii wargeliyey in aanu xilli-ciyaareedka dambe sii maamuli doonin naadiga, isla markaana waqti dambe uu fashilmay isku-day ay kooxdu ku doonaysay inay sii haysato.
Thomas Tuchel ayaa sannad iyo laba bilood tababare u ahaa Bayern Munich, waxaana xilli-ciyaareedkii koowaad oo isaga oo gabogabo maraya uu tegay uu u qaaday horyaalka Bundesliga oo kulankii ugu dambeeyey uu nasiibku uga hiiliyey Borussia Dortmund oo laba dhibcood ka horreysay la qabtay ciyaartii ugu dambaysay, halka iyaguna ay guuleysteen oo ay farqiga goolasha horyaalka kaga guuleysteen.
Laakiin xilli-ciyaareedkan ayaa ay faro-madhnaan ku dhamaysteen oo aanay wax koob ah ku guuleysanin, waxaana uu Thomas Tuchel ka baxay Allianz Arena oo aanu koob oollin sannadkan.
Sida uu sheegay wariyaha ciyaaraha ee Christian Falk, Bayern Munich ayaa rumaysan in Thomas Tuchel uu noqonayo tababaraha cusub ee Manchester United oo lagu beddeli doono Erik ten Hag oo la sheegay in shaqada laga caydhin doono.
Christian Falk ayaa intaa ku daray, in isku-day ay waqti dambe samaysay Bayern Munich oo ahaa inay sii haysato Tuchel oo uu iska diiday macallinkani, in ay sabab u ahayd Manchester United oo hoosta kala heshiisay isla markaana dhowaan magacaabi doonta.