Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa loo sheegay inay waajib ku tahay inay shaqada ka erido tababare Erik ten Hag oo aanay xataa u ogolaanin inuu sii joogoi saddexda kulan ee uga hadhsan dhamaadka xilli-ciyaareedkan Premier League, waxaana loo xulay macallinka ku-meelgaadhka ah ee ay tahay in uu kulamada hadhsan sii maamulo naadiga.
Manchester United ayaa Isniintii waxa si murugo leh u xasuuqday Crystal Palace oo ku karbaashtay 4-0, waxaanay Red Devils u dhaadhacday kaalinta siddeedaad ee miiska kala-sarraynta.
Fursadda kaliya ee ay Manchester United haysato xilli-ciyaareedkan waa finalka FA Cup oo ay Manchester City la dheeli doonaan dhamaadka bishan May, balse khubarada ciyaaraha ee hore ugu soo dheelay naadigani ma doonayaan in uu tababaraha reer Netherlands sii joogo Old Trafford illaa waqtigaas.
Labadii halyey ee reer England ee Paul Scholes iyo Michael Owen ayaa usoo jeediyey Sir Jim Ratcliffe in uu si degdeg ah shaqada uga caydhiyo tababare Erik ten Hag oo aanu la sugin saddexda ciyaarood ee horyaalka ee Arsenal oo ay Axadda la dheelayaan, Newcastle United oo ay Arbacada toddobaadka dambe la ballansan yihiin iyo Brighton oo ah kooxda ay xilli-ciyaareedka kusoo xidhanayaan, ka hor inta aanay isku diyaarin finalka FA Cup ee Man City oo ah ciyaartooda ugu dambaysa ka hor inta aanay fasaxa gelin.
Paul Scholes iyo Michael Owen waxa ay usoo jeediyeen Sir Jim Ratcliffe in uu kooxda si ku-meelgaadh ah ugu wareejiyo Steve McClaren oo hadda ah tababare ku-xigeenka Manchester United, kaas oo hore usoo layliyey xulka qaranka England iyo isla Man United oo uu waqti kooban joogay.