Xiddiga reer England ee Jadon Sancho ayaa u sheegay Manchester United in aanu doonayn inuu kusoo laabto Old Trafford marka uu dhamaado heshiiska amaahda ah ee uu ku joogo Borussia Dortmund bisha June ee soo socota. (Talksport)
Weeraryahanka reer Uruguay ee Darwin Nunez ayaa dabka kusii shiday wararka sheegaya inuu ka tegayo Liverpool, waxaana uu tirtiray oo uu masaxay dhamaan sawirradii uu xidhnaa garamada Liverpool ee ku jiray bogiisa Instagram. (90 min)
Inter Milan waxa ay diyaar u tahay inay dhegaysato dalabyada laga soo gudbinayo difaaca reer Netherlands ee Denzel Dumfries oo 28 jir ah, kaas oo ay doonayso Manchester United. (Gazzette dello Sport)
Chelsea waxa ay qaadday tallaabo ay ku xaqiijinayso damaceeda saxeexa xiddiga reer Ukraine ee Georgiy Sudakov oo ah 21 jir u ciyaara Shakhtar Donetsk oo qiimihiisa lagu sheegay £65 milyan oo Gini, wkaas oo ay sidoo kale doonayaan kooxaha Arsenal, Manchester United iyo Liverpool. (Mail)
Chelsea waxa kale ay doonaysaa weeraryahanka reer Nigeria ee Victor Osimhem oo ah 25 jir lagu burburin karayo qandaraaskiisa Napoli lacag dhan £100 milyan oo Gini. (Sky Italia)
Roma waxa ay doonaysaa inay la saxeexato weeraryahanka reer Belgium ee Romelu Lukaku oo hadda ugu ciyaara amaah ay kaga soo qaateen Chelsea, laakiin Chelsea ayaa waxa ay dalbanaysaa £38 milyan oo Gini. (Fabrizio Romano)
Goolhayaha Atletico Madrid iyo xulka Slovenia ee Jan Oblak oo 31 jir ah ayaa sidoo kale ay Chelsea doonaysaa inay la saxeexato, si uu bud-dhig ugu noqdo dibu-dhiska kooxdaas. (Fichajes0
Newcastle United waxa ay wada-hadallo kula jirtaa garabka weerarka Crystal Palace ee Michael Olise oo ah 22 jirkii xalay silciyey Manchester United, balse Crystal Palace ayaa kooxaha doonaya laacibkan reer France ku xidhaysa £60 milyan oo Gini. (Mail)
Weeraryahanka reer Sweden ee Viktor Gyokeres oo 25 jir ah ayaa iska diiday inuu xaqiijiyo, in uu sii joogayo kooxdiisa Sporting Lisbon, kaddib markii uu ogaaday inay doonayaan kooxo ay ka mid tahay Arsenal. (Standard)
Arne Slot oo la filayo in loo magacaabo tababaraha Liverpool, waxa uu calaamadsaday labada ciyaartoy ee kooxdiisa Feyenoord ee Mats Wieffers oo ah 24 jir ka ciyaara khadka dhexe iyo Lutsharel Geertruida oo ah 23 jir difaaca ka dheela, in ay noqdaan saxeexyadiisa ugu horreeya ee Liverpool. Labadan ciyaartoyba waxay u dhasheen waddanka Netherlands. (Football Insider)
Manchester United waxa ay ka niyad-jabtay 32 jirka reer Brazil ee Casemiro, waxaanay isku dayi doontaa inay iibiso xagaaga si ay meesha uga saarto mushaharkiisa xad-dhaafka ah. (Teamtalk)