Weeraryahanka reer Uruguay ee Darwin Núñez ayaa qaaday tallaabo layaab noqotay oo uu gebi ahaanba xidhiidhka ugu jaray kooxdiisa Liverpool, kaddib markii ay soo baxeen warar sheegaya in ay doonayso Barcelona oo ku beddelanaysa Robert Lewandowski.
Darwin Núñez ayaa waxa uu barihiisa bulshada ee Facebook, Instagram, Tiktok iyo meelaha kale ee ay bulshadu ku xidhiidho, waxa uu ka saaray oo uu ka masaxay dhamaan sawirradii uu xidhnaa garanka Liverpool ee hore uu usoo geliyey bartiisa.
Waxa kaliya oo hadda uu Darwin Nunez ku reebay barihiisa bulshada sawirro uu ku labbisan yahay garanka kooxdiisii hore ee Benfica iyo xulka qarankiisa Uruguay.
Nunez oo Liverpool ay kasoo iibsatay Benfica sannadkii 2022 oo ay kasoo bixisay lacag dhan 80 milyan oo Euro, iyo waliba lacago kale oo ku xidhnaa bandhiggiisa, ayaa waxa tallaabada uu qaaday lagu tilmaamay inay muujinayso inuu isku diyaarinayo inuu ka tago Anfield oo uu soo ajfaro waayihiisa Liverpool.
Wargeywska AS ee kasoo baxa waddanka Sain, ayaa waxa uu sheegay in aan xataa hal sawir oo kaliya oo Darwin Nunez uu leeyahay oo uu xidhan yahay garanka Liverpool aan laga soo helaynin barihiisa bulshada, sidaas oo kalena waxa aan jirin muuqaallo ama waxyaabo uu soo share gareeyey.