Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa diyaarinaysa shaacinta heshiis weyn oo waqti dheer ah oo ay ka saxeexayaan mid ka mid ah xiddigaha kooxda ee la filayey inay ka tagaan, kaas oo fursad u badbaadisay mustaqbalkiisa Santiago Bernabeu ku helay dhaawacyadii cuslaa ee sannadkan kooxda kaga habsaday dhawr ciyartoy.
Real Madrid ayaa waxa ay shalay shaacisay, in goolhayaheeda Thibaut Courtois lagu sameeyey qalliin jilibka midig ah oo ahaa lugtii u fayoobayd, halka jilibka lugta bidix laga qalay bishii August oo uu dhaawac culus oo aanu illaa hadda kasoo kabanin kasoo gaadhay.
Los Blancos ayaa waxa ay arrintani ku keentay inay heshiis weyn oo uu mushahar badan ku qaadan doono, sidoo kalena waqti dheer kooxda kusii haynaya ka saxeexdo Andriy Lunin oo bandhig heersare ah ka samaynaya garoomada, isla markaana buuxiyey booska uu dhaawaca kaga maqan yahay Courtois.
Madrid ayaa waqtigii uu dhaawacmay Courtois waxa ay amaah kula soo wareegtay Kepa Arrizabalaga oo ay kasoo qaadatay Chelsea, laakiin waxa ka bandhig fiicnaaday Andrey Lunin oo booskiisa xajistay.
Qandaraaska hadda ee Lunin ayaa waxa uu dhacayaa sannadka 2025, balse waxa loo diyaariyey heshiis cusub oo muddo dheer kusii hayn doona Bernabeu iyadoo 25 jirkan ay xataa kooxdiisu u diyaarinayso inuu booska goolhayaha koowaad la wareego marka uu Thibaut Courtois hawlgabka ku dhawaado.
23 ciyaarood oo dhamaan tartamada ah oo uu Lunin u saftay Real Madrid xilli-ciyaareedkan ayaa waxa kaliya laga dhaliyey 19 gool, iyadoo toban ka mid ah kulamadaas uu shabaqiisa nadiif ka dhigay.