Manchester United ayaa lagu soo warramayaa in ay tababaraheeda cusub u magacaabi doonto macallinka xulka qaranka England ee Gareth Southgate oo isaguna wali ku adkaysanaya inuu sii joogayo xulka England ee isku diyaarinaya tartanak qaramada Yurub ee EURO 2024.
Falcelin ayaa warkani uu kala kulmay ciyaartoyda kooxdaas iyadoo aanay wali jirin wax wada-hadal ah oo dhaxmaray dhinacyada oo Red Devils ay ku doonayso inay Gareth Southgate ku beddesho Erik ten Hag oo la sheegay inuu aad u saluugsan yahay Sir Jim Ratcliffe.
Man United oo xilli-ciyaareedakn 2023/24 uu ku adag yahay, ayaa waxa uu warku sheegay in kaddib tartanka qaramada Yurub ay si toos ah ula hadli doonaan Southgate, balse dhinaca kale waxa hoosaysa kalsoonida ay ku qabi karayaan inay helaan.
Wargeyska Daily Star ayaa waxa kale oo uu sheegay in ciyaartoyda Manchester United ay si weyn usoo dhoweynayaan in Gareth Southgate loo magacaabo tababarahooda cusub ee beddelaya Erik ten Hag.