Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa dhamaystirtay saxeexeedii koowaad ee suuqa iibka ciyaartoyda ee xagaagan, waxaana uu noqday ciyaartoy hore usii joogay Santiago Bernabeu oo qalinka ku duugaya heshiis cusub oo uu kusii joogi doono kooxdaas.
Real Madrid oo muddooyinkii dambe wada-xaajoodyo kula jirtay dhawr ciyaartoy oo kooxdeeda ah oo qandaraasyadoodu dhamaad yihiin, ayaa waxa ay hadda isku hubsatay inay sii haysan doonto difaaca midig ee Lucas Vazquez oo uu saxeexi doono heshiis cusub oo sannad ah.
Tababare Carlo Ancelotti iyo Madaxweyne Florentino Perez ayaa ku qanciyey Lucas Vazquez in uu sii joogo kooxda iyagoo u ballan-qaaday inuu door ka fiican sidii hore iyo waqti ka badan uu heli doono xilli-ciyaareedka dambe maadaama Dani Carvajal ay da’diisu sii weynaatay isla markaana taam ahaanshihiisu uu hooseeyey xilli-ciyaareedkii tegay oo ay dhaawacyadiisu badan yihiin.
32 jirkan oo laba gool caawiyey, midna dhaliyey ciyaartii xalay ay kooxdiisu barbarraha 4-4 ah lasoo gashay Villarreal ayaa waxa uu saxaafadda u sheegay in uu sii joogayo Real Madrid oo uu ku faraxsan yahay in uu xidhnaado funaanadda naadigan reer Spain.