Goolhayaha reer Cameroon ee Andre Onana ayaa magacaabay afar ciyaartoy oo kooxdiisa Manchester United ah oo ay tahay inay qaataan masuuliyadda guul-darrooyinka iyo rikoodhka aadka u liita ee ay Red Devils ka samaysay horyaalka Premier League xilli-ciyaareedkan.
Manchester United ayaa ku dhamaysatay kaalinta siddeedaad ee horyaalka Premier League, waana rikoodhkii ugu xumaa iyo bookii ugu liitay ee ay ka galaan horyaalka tan iyo sannadkii 1990kii.
Tababare Erik ten Hag ayaa kooxdiisu ay ka maqnaan doontaa dhamaan tartamada Yurub haddii aanay ku guuleysanin tartanka FA Cup, waxaana fursadda kaliya ee ay haystaan ay tahay inay ka badiyaan Manchester City si ay Europa League u dheelaan.
Andre Onana oo xagaagii ay Manchester United £47.2 milyan oo Gini kaga soo iibsatay Inter Milan, ayaa waxa uu qayb ka ahaa ciyaartoyda la dhalleecaynayo, hase yeeshee 28 jirkan ayaa isaguna magacaabay afar ciyaartoy oo iska leh eedaynta guul-darrooyinka iyo rikoodhka liita ee kooxdooda.
Onana oo la weydiiyey cidda ay tahay inay qaadato eedaynta bandhigga liita ee kooxdooda ee xilli-ciyaareedka shalay lasoo gabogabeeyey ayaa yidhi: “Anigu ma daneeyo waxyaabahaas. Waxa aan u imid kooxdan in aan qoriga qaato sababtoo ah kooxdu waxa ay ku jirtaa xaalad dibu-dhis ah, mana joogno heerkii u fiicnaa.
“Waxa jooga kooxo kale oo naga wanaagsan annaga, waana in aynu runta sheegno oo aynu qirno. Haddii ay wax qaldamaan, ma aha inaad eedaysaan ciyaartoyda da’yarta ah. Anigu waan qaadanayaa masuuliyadda, Bruno Fernandes, Casemiro iyo Harry Maguire ayaa sidoo kale jooga oo masuuliyadda qaadanaya.”