Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa waajahaysa baadhitaanno ay ka dhashaan ciqaab sababta in dhibco laga jaro xilli-ciyaareedka soo socda, kaddib markii ay maanta Blues soo bandhigtay caddaymo loo daliishan doono dembiga loo haysto.
Chelsea ayaa soo bandhigtay xisaabteeda xilli-ciyaareedkii hore oo ay ka muuqato khasaare weyn oo sababi karaya in uu baadhitaan ku sameeyo horyaalka waddanka Ingiriisak ee Premier League isla markaana ay mutaystaan ganaax.
Xisaabta 12kii bilood oo ah intii ka horreysay June 30, 2023, ayaa waxa ay Chelsea sheegtay inay khasaartay £90.1 milyan oo Gini oo cashuurta kahor ah, laakiin waxa xisaabtan ka muuqata in dakhliga kooxdu uu korriin sameeyey marka loo eego sannad-xisaabeedkii ka horreeyey oo khasaaraha ay Blues diiwaangelisay uu ahaa £121.4 milyan oo Gini.
Kaddib xisaabtan ay Chelsea maanta soo bandhigtay, waxa ay isku caddeeyeen in ay mar kale jabiyeen sharciga dhaqaalaha oo dhigaya, in kooxna aanay diiwaangelin karin khasaare ka badan £105 milyan oo Gini saddexdii sannadood ee ugu dambeeyey.
Bishii February ayaa la sheegay in Premier League uu baadhitaanno ku samaynayo Chelsea oo jabisay sharciga dhaqaalaha, isla markaana laga jari doono dhibco, hase yeeshee Blues ayaa ku dedaalaysa inay si weyn dakhligeeda sare ugu qaaddo ka hor inta aan la gaadhin June 2024, si ay uga badbaaddo in dhibco laga jaro xilli-ciyaareedka dambe.
Blues ayaa si ay arrintani ugu suurtogasho oo ay ciqaab uga badbaaddo, waxa ay xagaaga soo socda waxa la sheegay inay iibin doonto ciyaartoyda ay ka mid yihiin Romelu Lukaku, Marc Cucurella, Ian Maatsen, Armando Broja iyo Kepa Arrizabalaga.
Sidoo kale, Conor Gallagher iyo Trevoh Chalobah ayaa la sheegay in iyagana ay suurtogal tahay inay ka tagaan Blues oo aanay heshiis cusub u saxeexin maadaama qandaraasyadooda ay min hal sano oo kali ahi ka hadhsan yihiin.